Ciidamada Oo Xabsiga Dhigay Oday Dhawaan Madaxweynaha Ku Tilmaamay Inuu Dalka Ku Waddo “Ila-meerayso”

0

Hargeisa(HNN):Ciidamada Booliska Somaliland Waxa ay xalay Xabsiga u taxaabeen mid kamid odayaal dhawaan warbaahinta si adag uga dhaliilay madaxweyne biixi.

Mujaahid Cabdi Ibraahin Cabdille oo ah ninkan caawa ay ciidamadu xabsiga dhigeen ayaa intii ka danbeysay wakhtigaasi ay warbaahinta ka hadleen oo ahayd laba wiig ka hore waxay shacabka hargeisa naanays uga dhigeen Kalmada (Ila meerayso) oo gundhig u ahayd hadalkii dhaliisha ahaa ee madaxweynaha uu warbaahinta u mariyey. 

Xadhiga odaygan oo ciidamadu caawa kasoo qabteen Gurigiisa oo ku yaala Degmada Axmed Dhegax Gaar ahaa xaafada Siiney ayaa sida warar aanu ku helayno sheegeen in mujaahid cabdi ibraahim uu abaabul ka waday xaafada kaas oo uu doonayey in maalinta barriya ay ka qayb qaataan mudaharaadka xisbiga waddani ku baaqay.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Ay Ku Raacday Kalmadan “Ila Meerayso”