Sawiro: Gudiga doorashada Somaliland oo la dhaariyey xilli lagu muransan yahay

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Xubnihii cusbaa ee komishanka doorashooyinka Somaliland ee uu dhowaan ansixiyey golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta si rasmiya loogu dhaariyey xilkaasi.

Xubnahan oo ka koobna lix xubnood ayaa maanta waxa dhaariyey Guddoomiyaha maxkamadda sarre ee Somaliland, iyadoona hortiisa lagu dhaariyey Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaana xubnahani si toos ah u gudo gali doonaan gudashada howlaha shaqo ee loo igmaday, kadib markii goordhoweyd oo maanta ah la mariyay dhaartii Dastuuriga aheyd.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa xubnahaasi kula dar-daarmay inay dhowraan cadaalada iyo sinaanta, iyagoona garsoorkooda ugu jaangooynaya kitaabka Rabbi ee maanta ku dhaarteen.

Xubnahan maanta xilkooda loo dhaariyey ayaa waxa ay muran siyaasadeed xoogan ka abuureen gudaha Somaliland, iyadoona ay si weyn uga soo horjeesteen xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid.

Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa iyagu hore uga biyo diidey qaar kamid ah xubnahaasi komishanka doorashooyinka, oo dhaarintooda maanta uu ka hore ansixiyay golaha wakiilada Somaliland.