Safiirka Mareykanka oo la kulmay laba ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad Galmudug

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha Galmudug, oo kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale.

Qoraal ay safaaradda Mareykanka soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in danjire Yamamoto iyo xubnaha safaaradda ay Odawaa iyo Kamaal kala hadlaeen baahida loo qabo hanaan doorasho oo cad, loona dhan yahay oo ka dhaca Galmudug.

Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Hay’ado dowladeed oo xooggan waxay ka dhigan yihiin awood loola tacaali karo xasaradaha bani’aadannimo, ka guuleysashada argagixisada iyo abuurista Soomaaliya xasilooni, nabad ah, oo baraare leh.”

Odawaa iyo Kamaal ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin kulanka maanta ee ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Safiirka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo sahashay in inta badan beesha caalamka ay ka aamusto xadgudubyada joogtada ah ee dowladda Farmaajo ku hayso shacabka iyo maamul goboleedyada dalka.