Aqoonyahan C.kariin Axmed Mooge Oo Aragti Ka Bixiyey Qaabka Qabiilaysan ee Laysku Doorto Somaliland.

0

Hargeisa(HNN):-Siyaasiga C.kariin Axmed Mooge oo Kamida Aqoonyahanka reer hargeisa, ayaa waxaa oo faallo kooban uu kagaga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo sida loo doorto siyaasiyiinta reer somaliland ee ku dhisan nidaamka qabyaaladeed ku yidhi qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiiisa facebook sidan:-

In aad madaxweyne ama xildhibaan (labada loo tartamo SL) noqotaa wey kuu fududahay marka aad reer Somaliland tahay, waayo tollaayeey ayuun baa kaa xigta labadaa! hadii codka qabiilkaagu kuu gooyo kursiga, dood iyo daal toona uma baahna.

Lakiin waxa adag in aad hoggaamiye ummaddeed noqoto waayo in aad hoggaamiye ummaddeed noqotaa waxay kaga baahan tahay arin ka weyn tollaayeey, waxay kaga baahantahay karti, aragti iyo afkaar iyo waliba kartidii aad shacabka kaga iibin lahayd afkaarta aad aaminsantahay!

Way kala macno duwanyihiin in aad noqoto “HOGGAAMIYE QABIIL IYO iyo in aad noqoto HOGGAAMIYE UMMADDEED” qofkasta oo tollaayeey iyo qabiil lagu doortaa waxba yaynaan afka kala xishoone waa hoggaamiye qabiil! Isaga ayayse u taal in uu runta u sheego kuwii qabiilka ku doortay lana yimaado tab kale ee ku noqon karo hoggaamiye ummaddeed, hadii kale waa sheeko qabiil ku bilaabmatay, qabyaalad bay ku dhamaataa!