Toogasho xalay ka Dhacday Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Askari ka tirsan Ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay gudaha xurunta madaxtooyada maamulkaas ku dhex toogtay gabar askari aheyd oo lagu magacaabo Layla Abukar, sidoo kalena ka mid ahayd ciidamada Ilaalada madaxtooyada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu marun dhex maray xaaska askariga dil ka gaystay iyo marxuumad Layla, kadibna uu ku soo baxay askariga wax dilay, kaas oo sida la xaqiijyay wadnaha xabadda uga dhaftay gabadha geeriyootay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa uu ahaa muranka dhex maray marxuumad Layla iyo xaaska askariga dilka ka geystay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga wax dilay uu goobta ka baxsaday, lamana yaqaan illaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay, ayada oo ay taas ka dhalatay su’aalo ku saabsan sida uu ku baxsan karo qof madaxtooyada dhexdeeda wax ku dilay.

Ma jiro Illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dhacdadan.