Muxuu Yahay-Qalabka Teknoolajiyada Looga Faa’idaystay Ee Adduunka Ku Soo Kordhay Sannadkan 2019.

0

Majaladda caanka ah ee TIME oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa sannad kasta dabayaaqadiisa soo saartay liiska hal-abuurka adduunka ku soo kordhay ee ugu fiican, gaar ahaan waxyaabaha ku cusub teknoolajiyada ee nolosha aadamaha fududeeya.

Liiskan oo ay soo xulaan guddi xeer-beegti ka kooban weriyeyaal iyo tifatireyaal warbaahineed oo ay majaladdu adduunka oo dhan ka soo xushay, waxa aynu ka soo qaadanaynaa tobanka hal-abuur ee ugu fiican sannadkan 2019:

Sameecadaha maqalka oo hadlaya

Waxaa sannadkan dunida ku soo kordhay sameecadaha caafimaadka ee maqalka caawiya oo codka si tayo leh u gaadhsiinaya qofka, isla markaana yaraynaya buuqa iyo sawaxanka ku lammaan codka, si uu saafi u noqdo. Sameecadahan waxaa ku rakiban qalab dareen wata oo awood u leh in uu dhawaaq sameeyo ama ka jawaabo su’aalaha qaarkood. Tusaale ahaan waxa uu awoodaa in uu turjumo hadallada afafka kale ah, oo qofka adeegsanaya uu uga dhigo afkiisa uu fahmi karo.

Waxa kale oo uu qalabkani suurtagelinayaa in uu farriimo digniin ah u diro qofka isticmaalaya, tusaale ahaan marka uu qofku dhacayo in uu u dhawaaqo, ama marka ay xaalad caafimaad darro oo kelid ahi jirto in uu u sheego. Waxa kale oo uu qalabkani qiyaasaa xarakaadka iyo jimicsiga qofka.

Muraayadaha aragga oo hadlaya

Waa muraayad aan aragga oo keliya caawinayn, balse fududaynaysa in qofku uu fahmo qoraallada, xitaa haddii aanu ku fiicnayn ama aqoon u lahayn wax akhriska.

Waxaa ku rakiban qalab teknoolajiyadeed awood u leh in uu garto wejiyada dadka iyo noocyadooda kala duwan, adeegyada tirada badan ee ay muraayaddani qabato waxa kale oo ka mid ah in ay cod uu qofka xidhani maqli karo ugu akhrido qoraallada.

Usha indhoolaha

Waa ul nooca indhooleyaasha haga ah oo ku shaqaynaysa teknoolajiyad suurtagelinaysa in dadka araggu ka maqan yahay ay ogaan karaan waxa ku hareereysan iyo khataraha ku soo fool leh. Ushan waxaa ku samaysan sameecad uu qofka sitaa ka maqli karo hadba digniinaha ay bixinayso oo cod ama gariir ay ku sheegayso, waxaa lagu xidhi karaa taleefannada casriga ah ee gacanta, kaddib waxa ay la shaqaynaysaa khariiradda ‘Google Map’ si ay qofka sita ugu sheegto meesha uu marayo, halka uu ku socdaa jihada ay ka xigto, masaafada ay u jirto iyo goobaha muhiimka ah ee ku dhow, sida meheradaha ganacsiga iyo goobaha adeegga dadweynaha ee cisbitaallada iyo saldhigyada bilaysku ka mid yihiin.

Kursaat Saylaan oo ah nin u dhashay Turkiga oo indho la’ ayaa isaga oo ka jawaabaya caqabadaha uu la kulmo waxa uu go’aansaday in uu aqoontiisa teknoolajiyada uga faa’iideeyo dadka araggu ka maqan yahay ee uu ka midka yahay. Waxa uu hal-abuuray qalabkan casriga ah oo uu u bixiyey ‘weWALK’ oo ka kooban laba erey oo Ingiriisi ah oo la isku daray, macnahooduna yahay, ‘Waanu soconnaa’.

Waxaa hadda la wadaa dadaallo ay shirkado waaweyni ku sii horumarinayaan qalabkan, oo shirkadaha gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada dadweynaha loo samaynayo barnaamijyo la shaqaynaya ushan si ay qofka indhoolaha ah ugu hagto adeeggaas.

“Adduunyada maanta waxaa laga sheekaynayaa baabuur duulaysa, laakiin dadka indhoolaha ahi weli ul ayuun bay isitcmaalaan” ayaa uu Kursaat ku yidhi waraysi uu siiyey talefishanka CNN, isaga oo faahfaahin ka bixiyey dhibaatooyinka ay dadkani kala kulmaan helidda adeegyada dadweynaha, ee goobaha gaadiidka laga raacaa ka mid yihiin iyo guud ahaan noloshooda. Waxa aanu sheegay in taasi ay tahay sababta ku abuurtay in uu ka fikiro curinta qalab caawin kara dadkaas.

Ushani waxa ay ku shaqaynaysaa koronto, waxa aanay leedahay baytari la dabayn karo oo halkii mar ee la dabeeyo shan saac ku shaqaynaya. Waxa aanu qiimihiisu suuqyada ku yaallaa 500 oo doolarka Maraykanka ah.

Qalabkan uu ikhtiraacay Kursaat ayaa lagu qabaa rejo ah in uu caawiyo dadka 250 ka milyan ka badan ee ah indhooleyaasha ama araggoodu daciifka yahay ee dunida daafaheeda ku nool.

Mishiinka gadhka lagu xiiro

Qalabka teknoolajiyada ku shaqaynaya ee sannadkan soo kordhay waxaa ka mid ah mishiinka gadhka lagu xiiro oo si fudud oo aan jidhka dhaawac iyo xanuun gaadhsin u xiiraysa. Waxa ay awood u leedahay in ay ilaaliso heerkulka maqaarka gadhka, oo ay mar kasta kala mid dhigayso wejiga intiisa kale.

Sida oo kale waxa ay awood u leedahay in ay fahamto coodhcoodhka ama laababka maqaarka qofka, si ay uga hortagto in ay sarto ama nabar u samayso, marka uu laabka maqaarku ka hor yimaaddo.

Beero la guur-guuraya

Warwarka ugu badan ee adduunka maanta ka jiraa waa cabsida laga qabo cunto yaraanta, sababaha ugu badanna waxaa ka mid ah tirada dadka adduunka oo si xawli ah u kordhaysa iyo isbeddelka cimilada ku dhacay oo hoos u dhac weyn ku keenay wax-soo-saarkii beeraha.

Waxaa sannadkan soo baxay beero teknoolajiyada looga faa’iideeyey oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘AeroFarms’ waxaa lagu beerayaa meel dadan, waxa aanay qaadanayaan biyo boqolkiiba 95 ka yar biyaha ay qaataan beeraha caadiga ah ee ku yaalla beeraha dusha furan.

Arrinta yaabka lihi waa in beerahan aan sida caadiga ah lagu beerayn ciid. Balse waxaa lagu beerayaa cudbi la qooyey oo halkii ciidda u gelaya, kaas oo biyaha yar ee lagu shubo u haynaya geedka, halka ay hore ciiddu biyaha badh ahaan u qaadanaysay.

Beeraha AeroFarms oo hadda uun tijaabadii ku baxay dhirta ay aad u beereen waxa ay u badan tahay noocyada khudradda cagaaran, ee uu kaabashku ka mid yahay..

Biyo hawada laga sameeyey

Qalabka teknoolajiyadda looga faa’idaystay ee sannadkan ku soo biiray nolosha aadamaha waxaa ka mid ah tallaagad / qaboojiso biyood awood u leh in uu biyo nadiif ah oo la cabbi karo uu ka sameeyo hawada. Mishiinkan waxaa lagaga shaqaysiinayaa korontada ama tamarta qorraxda, waxa aanu awood u leeyahay biyaha uu sameeyo in uu mariyo marxalado kala duwan oo nadiifin ah, taas u suurtagelinaysa in uu biyo caafimaad ahaan nadiif ah ka sameeyo hawada uu ka soo qabto xitaa goobaha wasakhowga hawada ku badan yahay.

Mishiinkan oo awood u leh in uu maalin kasta sameeyo 26 litir oo biyo ah, waxaa samaysay shirkad Israa’iili leedahay oo lagu magacaabo Watergen waxaana mishiinka magaciisa la yidhaahdaa GENNY.

Kursi raaxo iyo caafimaad

Xeeldheereyaal Teknoolajiyadeed oo Jarmal ah ayaa sannadkan hal abuuray kursi teknoolajiyad ku shaqaynaya oo u fiican caafimaadka, raaxo aad u badanna uu qofku ka helayo. Kursigan oo awood u leh in uu isagu iskii ugu leexdo ama ugu qalloocsamo hadba dhinaca uu dareemo in uu jidhka qofku doonayo in uu isu duwo. Iyada oo aanay dhaqaaqin qaybta dhiga hoos ee kursigu, ama aan la beddelin dhererkiisa.

Kursigani marka laga tago in uu qofka u fududaynayo leex leexashada, waxa uu qofku ka helayaa raaxo badan, qaybtiisa tiirsiguna waxa ay leedahay nidaam ay dhabarka toosnaantiisa caawinayso, sidaa awgeed kursigani waxa uu qofka u suurtagelinayaa in uu saacado badan ku fadhiyo isaga oo aan daal dareemin. Kursigan oo lagu magacaabo ‘Cosm chair’ qiimihiisu waxa uu dalka Jarmalka ka marayaa 1045 doolar.

Quful ku furmaya sumadda faraha

Qufullada casriga ah ee hadda adduunka lagu isticmaalaa waxa ay u badan yihiin kuwo laga maarmay furihii oo lambarro sir ah lagu xidho, laakiin teknoolajiyadda ayaa mar kale sii casriyeysay qufulladii, oo sannadkan waxaa soo baxay quful la dabaynayo, oo leh dareen marka farta la saaro garanaya qofka, kaddibna uu qufulku is furayo.

Qufulkani waxa uu leeyahay xusuus awood u leh in ay kaydiso akhriska faraha toban qof oo kala duwan, taas oo fududaynaysa in goobaha ay wada isticmaalaan dadka kala duwan ee wada isticmaalaya goobta lagu xidho.

Qalabka xakamaynta oo eegmada ku shaqaynaya

Waa farsamo casri ah oo u shaqaynaysa sida qalabka xakamaynta ee afka ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Remote control’. Farsamadan casriga ah waxaa lagu rakibayaa qalabbada casriga ah ee ay ka mid yihiin kombiyuutarrada, talefishannada iyo guud ahaan qalabbada korontada ku shaqeeya ee loo isticmaalo ‘Remote Control’ kaddib waxa uu suurtagelinayaa in uu la shaqeeyo indhaha qofka.

Qalabkan oo gaar ahaan loogu talagalay dadka naafada ka ah jidhka, ayaa ku shaqaynaya barnaamij lagu soo dejinayo ama lagu samaynayo qalabkan oo leh awood uu ku sawiro indhaha qofka kaddibna u leexdo ama qabto haddaba waxa uu qofku ishaarooyinka indhihiisa ku dalbado.

Josiah Bates oo qalabkan hal abuurkiisa leh ayaa sheegay in faa’iidada ugu weyn ee uu leeyahay ay tahay in uu dadka naafada ah ka caawiyo in ay talefishanka maamuli karaan iyaga oo aan u baahan cid ka caawisa.

Cunto daray ah

Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday in qiyaas ah boqolkiiba 40 cuntooyinka adduunku ay qudhmaan ama ka gudbaan marxaladda la isticmaali karo, sidaa awgeed la qubo. Sababta ugu badan ee cuntadaas ku keenta in ay xumaataana waa qaabka qofka haystaa u kaydinayo iyo goobta uu ku haynayo oo aan ahayn mid ku habboon ilaalinta cuntadaas.

Shirkadda Apeel Science ayaa sannadkan 2019 ka soo saartay qalab caawinaya cuntada gaar ahaan khudradaha kala duwan iyo cuntada asalkeeda dhirtu tahay in aanay xumaan ama isbeddel ku dhicin marka muddo la hayo.

Qalabkan ayaa ah diir sare / qofol samays ah oo cuntada marka la dhex geliyo suurtagelinaya in cimrigeedu uu saddex laab kordho.

Qalabkan oo weli tijaabooyinkii hore ku jira cuntooyinka lagu kaydiyey ee uu ku guulaystay in uu cimrigooda kordhiyo waxaa ka mid ah khudradda afakaadhaha iyo liinta, waxaana hadda natiijadiisa la sugayaa muuska oo ay shirkaddu tijaabadiisa ku waddo.