Al Shabaab,Ma Shahaado Ladirirbaa,Mise Waa Shahaado U Dirir?…W/Q:-C/Wahab Moh’ed Mawliid

0

Halganku Ama jihaadku,Waa hawl islaamku qiimeeyay,Waxana ku soo aroortay Nusuus iskugu jirta,Quraanka kariimka ah,Iyo Sunada Suubanaheena.(Naxariis Korkiisa ha ahaatee)Sida la ogyahay Shareecaddeenu,Waxay u astaysay Qaacidooyin iyo Shuruud hadii la waayo uusan Camalkii qiimaha badnaa Sax noqon karin,

Waxa is waydiin mudan,Dagaalada ay kujiraan uruka Al Shabaab iyo kuwa la aragtida ah..

Ma Buu xiyeen Qodobadii Asalka u ahaa sixitaanka jihaadka ee marka la helo waajibinayay?

Dhanka kale,Yaa U wakiishay Xarakada Al Shabaab in ay Umadda Soomaaliyeed Masuul uga noqdaan In dar illaahay loo dagaalami?

Al Shabaab Xaq ma u leeyihiin,in ay tunka uritaan hawl ka dhaxaysa guud ahaan umada saamyna kule Masiirka dadka iyo dalkaba?

Jihaadka koox yar oo kamida umada meel wada degan kaligeed ku waajibaa mise qofkasta oo kamida dadka deegaanka waa waajib iyo masuuliyad saaran?

Dagaalkii ay mudada Rubuc Qarniga ku dhaw ku jireen Dagaalamayaasha Al Shabaab maxay umada soomaaliyeed ka dhaxashay dhib mise dheef?

Ma ku guulaysteen in ay koonfurta Soomaaliya ka bixiyaan Ciidamada AMISON? Mise Tiradii Ciidamada ay Sii badiyeen?

Tusaale 2007 Waxa Magaalada Muqdisho Joogay tiro Ciidan Oo dhan 2000 laba kun Oo Askari oo udhashay dalka yugaandha,Maantana waxa jooga in kabadan 50000 kontan kun oo Askari arintaasi oo ka dhigan in dhibkii lagu siyaadiyay Dalka iyo dadkaba.

Dhanka kale,Markaad qiimaysid Dhibka iyo Mashaakilka ay ku hayaan guud ahaan umada waxa kuu cadaanaysa in ujeedada kooxdani uu baal marsanyahay guud ahaan Shareecada islaamka,Diinta islaamku waxay illaalisay Shan arimood,Waana Shanta loo yaqaan,(Maqaasidu Shariica)Ama ujeedooyinka Ay diintuba usoo degtay,Waxa kamida Shantaa Arimood.Diinta,Nafta,Caqliga,Maalka,Iyo Taranka.

Waxa is waydiin mudan,Kooxdani madhawreen shanta arimood ee uu islaamku illaaliyay? Waxa la odhan karaa Jawaabtu Waa maya,Waxabad moodaa in ay Qodobadan Shanta ah duulaan ku yihiin,Waana Sababta aan Qormadan ugu asteeyay Ciwaanka ah ( Al Shabaab,Ma Shahaado Ladirirbaa,Mise Waa Shahaado U Dirir)Qormadan qaybteeda labaad waxaynu ku gorfayn doonaa tusmooyin muujinya ama cadayn u ah Ciwaanka Qormada ee Xagga Sare ku xusan. 

La Soco Qaybaha Danbe….

W/Q Clwahaab Maxamed Mawliid.