Qasem Soleimani: Maxaa ka Dhalan Karo Dilkiisa, Maxaase Hadda ay Dawlada Maraykanku u Dishay?

0

Hadhwadaag(Washinton):-Dilka Janaraal Qaasim Sulaymaani oo ahaa taliyaha ciidamada Qudus ee Kacaanka Iiraan, wuxuu ka mid yahay xiisadda iyo dagaalka qabow ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, waana mid laga yaabo in ay dhibaato ka dhalato.

Waxaa la fili karaa in aargoosi uu dhaco. Ficillo xiriir ah iyo isu jawaabid ayaa laga yaabaa inay sababaan in labada dhinac uu dagaal toos ah dhex maro. Waxaa sidoo kale oo suuragal ah in su`aal la iska weydiiyo mustaqbalka Washington ee Ciraaq. Istaraatiijiyadda madaxweyne Trump ee gobolka – haddiiba ay jirto – dhibaato ayaa la soo gudboonaan doonta.

Philip Gordon, oo xilligii Obama ahaan jiray xiriiriyaha Aqalka Cad u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Gacanka Beershiya, ayaa dilkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid uu Mareykanku ku baaqayo dagaal ka dhan ah Iiraan.

Ciidamada Qudus waa laan ka tirsan xoogagga ammaanka Iiraan ee mas`uulka ka ah howlgallada dibadda. Muddo sanado ah, haddii ay ahaan lahayd Lubnaan, Suuriya ama meelo kale, Suleymaani wuxuu ahaa xubin muhiim u ah ballaarinta saameynta Iiraan iyadoo loo marayo weerarro qorsheysan ama xojinta xulafada Iiraan ee gudaha.

Shakhsi caan ah

Xukuumadda Washington, wuxuu u ahaa nin dhiigga Mareykanka gacmaha ku sita. Balse wuxuu sidoo kale caan ka ahaa gudaha Iiraan. Gaar ahaan wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Tehran ee ka dhanka ahaa ololaha ballaaran ee cadaadiska lagu saarayo Iiraan iyo cunaqabateynta Mareykanka.

Mike Pence addresses troops in Iraq
Malaga yaabaa in Iiraan ay bartilmaameedsato ciidamada Mareykanka ee Ciraaq?

Arrinta la yaabka leh maaha in Suleymaani uu diiradda u saarnaa madaxweyne Trump balse waxay tahay sababta hadda loo dilay.

Weerarro dhowr ah oo heerkoodu hooseeyay oo lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq ayaa lagu eedeeyay Iiraan. Waxaa ku dhintay qandaraasleyaal Mareykanka u dhashay. Balse howlgalladii hore ee Iiraan – ee ka dhanka ahaa taangiyada Gacanka; weerar lagu qaaday gaari uu Mareykanku lahaa; iyo xitaa weerarkii xoogganaa ee lagu qaaday xarunta shidaalka Sacuudiga – ayuusan dhammaantood ka jawaabin Mareykanka.

Gantaalladii ka dhanka ahaa saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq, ayuu Aqalka Pentagon-ka ka jawaabay isagoo weeraray maleeshiyaadkii taageersanaa Iiraan ee looga shakiyay inay ka dambeeyeen. Taasi waxay horseedday weerar lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Baghdad.

Isagoo sharaxaad ka bixinaya go`aankii lagu dilay Suleymaani, Aqalka Pentagon-ka keliya diiradda ma uusan saarin ficilladii ugu dambeeyay ee ninkaas, balse wuxuu sidoo kale ku adkeystay in weerarkaas uu ahaa mid baqdin gelin ah.

War-saxaafadeedka Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in “ninkaasi uu qorsheynayay weerarro lagu qaado diblomaasiyiinta Mareykanka iyo shaqaalaha ka jooga Ciraaq iyo dhammaan gobolka”.

5,000 oo ciidamo Mareykan ah

Arrintan tallaabada xigi doonta waa waxa ugu weyn ee la is weydiinayo. Madaxweyne Trump ayaa rajeynaya in hal tallaabo oo uu qaaday ay cabsi gelin doonto Iiraan isla markaana ay u caddeyn doonto xulafadiisa culus ee gobolka sida Israa`iil iyo Sacuudiga, in Mareykanku uu weli awood leeyahay. Si kastaba ma aha mid la iska indho tiri karo inay jiri karto jawaab ka timaadda Iiraan, xitaa haddii aysan ahayn mid soo degdegta.

Ciidamada Mareykanka ee 5,000 gaaraya ee Ciraaq ku sugan ayaa hadda iska cad inay yihiin kuwa la bartilmaameedsan karo. Xiisadda Gacanka ayaa sii xoogeysan doonta. Lalama yaabayo in durba la arkay saameyn dhanka sare u kaca qiimaha shidaalka ah.

Qassem Soleimani stands at the frontline during offensive operations against Islamic State militants in the town of Tal Ksaiba in Salahuddin province

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa isku diyaarin doona inay is difacaaan. Xukuumadda Washington ayaa ciidamo xoojin ah geysay safaaraddeeda Baqdaad. Si degdeg ah ayaa loo kordhin doonaa milatariga ka jooga gobolka, haddii loo baahdo.

Balse waxaa sidoo kale suurtogal ah in jawaabta Iiraan ay noqon doonto mid dhinacyo badan leh. Waxaa laga yaabaa inay adeegsato taageerada weyn ee ay gobolka ka haysato.

Waxay tusaale ahaan soo cusbooneysiin kartaa qabsashadii safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, iyadoo xaaladda ku adkeyn doonta dowladda Ciraaq, isla markaana su`aal gelin doonta joogitaanka Mareykanka ee halkaas. Waxay sidoo kale dibadbaxyo ka abaabuli doontaa meelo kale si ay ugu daboosho weerarrada kale.

“Nin aad u xun”

Weerarka ka dhanka ah taliyaha ciidamada Quds ayaa ahaa mid lagu muujinayo awoodda milatariga Mareykanka. Kuwo badan oo ku sugan gobolka ayaanan u baroordiiqi doonin dhimashada Soleimani. Balse tani ma wixii ugu habboonaa ee uu sameeyo Trump baa?

Sidee ayuu Pentagon-ku ugu diyaar garoobay cuqubada ka dhalan karta? Muxuuse weerarkan nooga sheegayaa istaraajiyadda guud ee Trump ee gobolka? Miyay tani is beddeshay? Ma waxaa jira dulqaad la`aan cusub oo ka dhan ah weerarrada Iiraan?

Ama tani waa keliya mid uu madaxweynuhu kaga takhalusayo taliye Iiraan u dhashay oo uu shaki la`aan u arko “nin aad u xun”.