Al-Shabaab oo saddex qof toogatay + Magacyada

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay saddex nin ku toogtay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Raggaan oo ay xukuntay maxkamad hootagta kooxdaasi ayaa toogashada lagula fuliyey deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Fagaaraha lagu toogtay saddexdaani qof ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Raggan ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay, C/qaadir Xasan Aadan oo 25 Jir ahaa, Cabdicasiis Axmed Maxamuud oo 28 Jir ahaa iyo Faarax Cali Jibriil oo 29 jir ahaa.

Labo ka mid ah ragga lagu fuliyey toogashada ayaa waxaa lagu eedeeyey inay u shaqeynayeen dowladda federaalka, islamarkaan ay ahayeen basaasiin.

Sidoo kale mid ka saddexaad ayaa la sheegay inuu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka dowladda, islamarkaana lagu qabtay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ka fuliso xukuno u badan dil.