‘U Mahadnaqa Xaaska wanaagsan’ Qiso ku cibro qaadasho leh fadlan akhriso ilaa dhammaadka.W/Q:-Saciid Khadar C.laahi.

0

Sheikh Abu Isxaaq al-hubaali ayaa yidhi, ‘waxaan maalin soo booqday nin aanu saaxiib ahayn. Isagoo murugaysan oo warwarsan baan u tagay’ haddii aan waydiiyey, waxa ku dhacay! Wuxu ii sheegay inay xaaskiisu xanuunsanayso’ Ka dib, wuxu bilaabay inuu ooyo. Waliba oohin aad u daran. ‘Anigu waan la yaabay’ buu yidhi. Hasa ahaatee, markuu dareemay inaan la yaabanahay, ayuu igu yidhi ‘haddaad ogtahay gabadhaasi dabeecadeeda wanaagsan, iimaankeeda, cibaadadeeda Iyo habka wanaagsan ee ay iila dhaqanto. Waad ii garaabi lahayd’
Wuxu yidhi ‘ gabadha, waxa I siiyey Aabaheed. Waad ogtahay, anigu Waxaan ahay nin faqiir ah oo aan dhaqaale haysan. Aabaheed, waa maal-qabeen. Isagaa inanta Ila jeclaaday oo I siiyey, ammaanadayda daraadeed’
wuxu yidhi ‘ inantii waxay noqotay gabadh aad u qiimo badan. Markaan guursadayna, waxaan kala kulmay Janno iyo barwaaqo. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Aabaheed ii yeedhay. Waxaanu igu yidhi, ‘ILaahay ka cabso, innantaydana ka daa’ Hilibkan aad siinayso Iyo khudradaha kala duwan ee tirada badan ee aad mar walba siinayso. Waxaanad siisaa, Fuul Iyo Roodhi’ Intaa markuu igu yidhi, waan yaabay. Sababtoo ah, cuntadaasi uu sheegayo gurigay-gaba laguma kariyo. Anigoo yaaban-baan gurigaygii tagay. Markaan xaaskaygii uga sheekeeyey. Iyadoo dhoola-caddaynaysa yay igu tidhi ‘anigaa ku idhi sidaasi. Miyaanad ogayn in markasta oo aan tago ama booqdo gurigayaga, Markaba waxa lay keenaa oo lay siiyaa cuntooyin kala duwan oo wanaagsan. Sida Hillib iyo Khudrado kala duwan’ hasa ahaatee, waxaan ku idhaahdaa ‘ iga daaya!! Waan ka daalaye oo ma cuni karo. I siiya fuul iyo Roodhi, kuwaas muddo maba arage’
ninkii isagoo wali ooyaya, ayaa wuxu yidhi ‘inay reerkooda iga dhisto oo sheegato waxyaabo aanan anigu siinin. Reerkooda u sheegto in ninkeedu yahay nin aad u qiimo badan iyadana aad ugu wanaagsan’ Xaqiiqaduse, waxay tahay-buu yidhi ‘gabadha reerkooda sidaasi u sheegaysa inaanay Hilib arag-ba. Laga yaabaa insane Labadii bilood, hal mar Hilib karsano. Sababtoo ah, waxaan ahay nin faqiir ah. Cuntadeeda caadiga ahina waa fuul iyo Roodhi’
isagoo aad uga warwarsan xannuunka xaaskiisa haya, wuxu intaasi raaciyey oo yidhi ‘xaaskaygu waa qof aad u dhaqan wanaagsan oo naxariis badan. ILaahay hay daayee, waa qof aad ugu wanaagsan cibaadada, gaar ahaana salaada, qiyaamu-laylka Iyo Soonka. Sababta iga oohinaysaana waa wanaagaasi aan xaaskayga ku arkay. Sheekhoow, miyaanay xaaskaygu wanaagaasi darteed, istaahilin inaan u ooyo’ sheekhiina wuxu ugu jawaabay ‘ xaaskaagu way istaahishaa inaad u oydo Iyo murugada inaad la qaybsataba’
Dulucda Sheekada:
Waxa jira dumarka qaarkii oo aad u qiimo badan. Adigoo rafaad ku nool, adigoo faqiir ah laga yaabaa inay dhibtaasi u dul qaadato oo wanaag badan kuu samayso. Waliba ay dadka u sheegto inaad wax kasta oo wanaagsan siiso oo waliba dhinac walba ay kaa dhisto. Waxa lagaa rabaa adigana (ninkiiyoow) maalinta ILaahay xaaladaasi kaa saaro oo faqiir-nimada ka baxo. ILaahay dhaqaale ku soo galiyo inaad wanaag ugu abaal-gudo.

Tix raac: Sheekadan, waxaan ka soo qaatay, taxanaha Sheekooyinka ‘ Qisooyinka Nolosha’ oo ah muuqaalo Tiro badan oo uu iska soo duubay, Dr Mubarak Ibrahim Aar. Waxaanu ku soo qaataa sheekooyin kala duwan oo caalamka ka dhacay si ay Bulshadu ugu cibro qaadato.

WQ. Saxafi Siciid Khaddar aw-cabdillaahi
Hargeisa, Somaliland