War Deg-Dega-Madaxweynaha Maraykanka Oo Hadda Ka Hadlaya Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii Iiraan Ku Qaaday Ciidamadiisa.

0

Hadhwadaag(Washinton):-Madaxweyne Trump ayaa Hadda Si Toosa uga hadlaya Khasaaraha ka dhashay Duqaymihii Ciidamadiisa Ay la beegsatay dawlada Iiraan oo hore balan ugu qaaday inay khasaare badan gaadhsiin doonaan dawlada Maraykanka.

Mr Trump ayaa si guud u sheegay in Iiraan ay nasiib leedahay maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iiraan adeegsatay.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, si toos ahna looga daawanayay telefishinnada ayuu sheegay in Iiraan ay hadda dib u dagtay maadaama ay beegsatay saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cunaqabateyno hor leh dul dhigi doono Iiraan, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

Wuxuu dhinaca kale ka dalbaday dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

Hase ahaatee madaxweyne Trump qayaan jawaab rasmi ah ka bixinin su’aashii la iswada weydiinayay ee ahayd, “tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono” ka dib gantaallada Iiraan ay la beegsatay saldhigyadooda dalka Ciraaq.

Hadda Si Live Uga Daawo Halkan Hoose Khudbada Madaxweye Trump.