Shacabka Somaliland Oo Ku Tilmaamay Hadalka Boqor Buurmadow Mid Xukuumadu Ka Danbeyso Haddii Aaney Talaabo Ka Qaadin.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Shacabka Somaliland ee inta badan isticmaala baraha Bulshada ayaa Si Xoogan falanqeyn iyo dareeno kala duwan kagaga falceliyey Hadalka Boqor Cismaan Buurmadow Oo markii labaad si Waafiya uga hadlay arrimaha badan.

Boqor Cismaan Aw maxamuud Buurmadow Ayaa markii labaad Wakhti isku dhow waxaa uu si aan gabasho lahayn uga hadlay Arrimaha la xidhiidha doorashooyinka qaranka, muranka siyaasadeed ee uu sababta u ahaa Siyaasi Riyo Raac oo kamid ah Xubnaha komishanka qaranka oo xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidku aad isugu maandhaafeen kamid noqoshada Xubnaha gudida komishanka.

Waxaana Wakhtigaasi hore Boqor Cismaan Buurmadow ku tilmaamay Haddii laga saaro Siyaasi riyo raac xubinimada komishanka in ay Somaliland ku Burburi doonto isagu aanu ka bixi karin, taas oo uu sheegay in beel ahaan loo eryanayo haddii laga saarana ay noqonayso sifo gaara oo lagu macneyn karo in loo jeedo beesha uu kasoo jeedo.

isla maanta waxaa uu boqor buurmadow marlabaad ku celiyey in Haddii la kala diro xubnaha komishanka oo uu kamid yahay C,rashiid riyo raac ay noqonayso Wasladii qaranka Somaliland ku burburi lahayd.

Shacabka Somaliland ee inta badan ku Wada xidhiidha baraha bulshada oo aragtiyo isku lidi ah ka bixiyey hadalka markii labaad kasoo yeedhay Boqor Buurmadow ayaa badhkood ku macneeyeen mid u muuqda in Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne biixi ay ka danbeyso, haddii aaney talaabo ka qaadin hadaladan naxliga iyo deelqaafka ku ah qaranka oo ah kuwo kala fogaynaya shacabka somaliland oo hurinaya Colaad iyo cadaawad aan umada ka dhexayn.

Dhanka kale Dadka iyagu Taabacsan aragtida Boqorka ayaa aaminsan inay tahay daw ama wax sax in aaan xubinta muranku ka taagan yahay la taaban karin haddii la bedelana ay ka iman doonto cawaaqib xuno somaliland dhaxalsiisa burbur iyo dagaalo qabyaaladeed oo isku dhac keena.

Isku soo duuduubo Hadalada Siyaasiyiinta iyo Madax dhaqameedka ee nuxurkoodu yahay Hiilka qabiilka ayaa ah kuwo ay u muuqato inay Curyaamiyeen Qadiyadii iyo Qaranimadii somaliland ee la filayey inay geeska Africa hormood ka noqoto.

Waxaana Hadalada Noocan ee Soo Noqnoqday dhaaawac iyo nusqaan ku yihiin Wadajirkii iyo yoolkii shacabka somaliland wada lahaa ee meesha u Wada jeeday.

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaagnews@gmail.com