Ramaax Oo Boolisku Dammaanad Ku Siidaayey.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Xukuumadda Somaliland ayaa xorriyaddiisa u soo celisay Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Ramaax oo muddo 20 Maalmood ka badan ku xidhnaa xarunta Ciidammada dambi-baadhista ee Magaalada Hargeysa, ayaa damaanad lagu siidaayey, sida uu HCTV u xaqiijiyey Masuul ka mid ah Xisbiga UCID.

Siyaasiga Ramaax ayaa waxa la xidhay, ka dib markii uu Dacwad ka gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, kaasi oo uu ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Dad Cadow ku ah Somaliland, laakiin Mudane Baashe-cadde ayaa markii dambe Cafiyey.

 

Hadhwadaagnews

Hadhwadaagnews@gmail.com