Deg-Deg-Kooxda Alshabaab Oo Dib Ula Wareegay Deegaanada Tooratoorow oo Shalay Ciidamada Somalia Ku Weerareen.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Wararka laga helayo deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xooggaga Al-Shabaab ay dib u qabsadeen kadib markii ay shalay halkaa gaareen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar oo u hadlay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka shalay uu ahaa mid qorsheysan oo ay ciidanku ku bartilmaameedsadeen xarumaha garsoorka ee Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidammada markii ay howlgalka kasoo fuliyeen ay dib ugu soo laabteen saldhigyadii ay markii hore ka baxeen.

“Ciidammada wey tageen, howlgal qorsheysan ayay ka sameeyeen, howlgalkaas qorsheysan ujeeddadii laga lahaa waa lagu guuleystay. Ciidammada waxay kusoo laabteen halkii ay ka baxeen” ayuu yiri Ismaaciil Mukhtaar Cumar oo u hadlay wasaaradda warfaafinta