War Deg-Dega-Faahfaahinta Weerar Lagu Qaaday Shaqaale Ajaanib ah Puthland.

0

Hadhwadaag(Garoowe):-Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerar ka dhacay Saacado ka hor Gobolka Bari Ee Buuraaleyda Gal gala meel ku dhaw.

Waxaa la sheegay in weerarka uu ka dhacay Dhulka loo yaqaano SALIID oo Gal gala dhinaceeda ku yaalla.

Shabaab ayaa sheegay inay ku dileen kuna dhaawaceen Dad Cadaan ah oo Macdan ka dhuranayey Halkaasi.

Waxa Deegaanadaasi ku jira Macaadin Badan taas oo shaqaalaha Ajaanibta ay baaritaan ku hayeen balse hujuumkaasi la kulmeen.

Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in Gaari Cabdi bile ah ku qabsadeen Weerarka iyo Agab kale inkastoo faah faahin intaas kabadan aysan bixin.

Weli waxaan war kasoo bixin dhanka Puntland oo ay kaga hadlayaan weerarkii Shaqaalaha Ajaanibta lagu weeraray.