Xerada Ciidamda Somaliland ee Tukaraq oo Saaka Si Mug Leh loogu Soo Dhaweeyey Maayirka Taleex ee Puthland.

0

Hadhwadaag(Sool):-Waxaa Maanta si mug leh loogu soo dhaweeyey Taliska Ciidamda Somaliland kuleeyahay Tukaraq Maayirka Taleex ee gobolka xaysimo u qaabilsanaa maamulka puthland oo ciimada qaranku ku leeyihiin Xerada guud ee barriga.

Soodhaweyntan balaadhan ee Ciidamda Somaliland iyo masuuliyiin kasocoday kusoo dhaweeyeen Maayirka Taleex ayaa ahayd Mid Yididiilo galisay Masuulkan kusoo hungoobay Maamulka puthland.

Waxaana la filayaa in maalmaha Soosocoda uu soo gaadhi doonaa Caasimada Somaliland ee Hargeisa halkaas oo filayo in Loogu Magacaabo Xil cusub oo ka qabto Gobolada Barriga Somaliland.

Maaha markii ugu Horeysay ee masuuliyiin xilal kasoo qabtay maamulka Puthland ay dib isugu soo dhiibaan ciidamda qaranka somaliland.

Hadhwadaag News 

Laascaanood Office

Hadhwadaagnews@gmail.com