Al-Shabaab oo sheegatay dilka nin ganacsade mooska iibiyo oo lagu dilay Muqdisho

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil Xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay nin ganacsade ah.

Ninkaan oo Xalay lagu dilay Degmada Dharkeynley gaar ahaan Suuq Boocle ayaa lagu magacaabi jiray Hilowle Aboor, wuxuuna ahaa ganacsade caan ka ah suuqaas isagoo iibin jiray Mooska.

Saacado kadib dilkaas, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyada fulisay dilkaas, waxayna sheegatay inuu marxuum Hilowle ahaa sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeyta Dhar -Cadka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay masu’uuliyadda dil kale oo Xalay ka dhacay Degmada Hiliwaa, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin waxa uu ahaa qofka ay dileen.

Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin sheegashada Al-Shabaab iyo xataa in laga dilay sarkaal iyada ka tirsanaa, mana jirto sidoo kale illo madax banaan oo xaqiijiyey in Marxuum Hilowle uu ka tirsanaa Nabadsugidda Dowladda Federaalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dilal joogto ah ka fuliso Magaalada Muqdisho, waxayna inta badan beegsataa xubnaha kala duwan ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya.