Home Video Kenya oo Xirtay Xildhibaano si qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Kenya oo Xirtay Xildhibaano si qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

0

Siddeed xildhibaan oo ah kuwa laga soo doorto gobolka Soomaalida ee Woqooyi-bari Kenya ayaa su’aalo lagu weydiinayaa garoonka Wilson ee magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Xildhibaannada ayaa la sheegey in ay dhawaan tageen magaalada Muqdisho-sida uu ku warramay Telefishinka Citizen TV ee Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warramaysay in Xildhibaannadu markii ay Muqdisho tageen ay la kulmeen sirdoonka Soomaaliya, waxaana haatan Boolisku weydiinayaan in laga warqabay socdaalkooda Xamar iyo in kale.

Gaadiidka Booliska iyo ciidamo dheeraad ah ayaana galay garoonka markii ay mudanayaashaasi gareen Xildhibaanadan Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Sidoo kale Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa qortay in Xildhibaannada Soomaali Kenyaanka ah ay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin wallow aysan Xaqiijin waxyaabaha ay kawada hadleen labada dhinac.

Sikastaba ha ahaate Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Dowladda Kenya ku Eedeeysay Fara gelinta ay ku heyso Soomaaliya,isla makaana uga digtay in arrimaha soomaaliya ay faraha kala baxdo Kenya.