Talyaaniga oo Magaalooyin loo Xannibay Corono Virus

0

Dawladda Talyaaniga ayaa xayiraad adag ku soo rogtay 16 milyan oo qof waqooyiga dalkaasi iyadoo isku dayaysa inay xakamayso xanuunka Corona Virus.

Xayiraaddan lagu karantiilay malaayiinta qof ayaa saameynaysa gobolka Lombardi, iyo 14 gobol oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha waddankaasi oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Milan iyo Venice, waxayna socon doontaa tan horraanmta bisha soo socota.

Talyaaniga waxa uu Corono Virus ku dilay ugu yaraan 230 qof, kiisaskuna waxay haatan gaareen ku dhowaad 6 kun oo qof.