Deg: Deg: Reysal Wasaaraha Dalka Uk oo Laga Helet Cudurka Corona Virus.

0

Hadhwadaag(London):-War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad  ee UK ayaa lagu xaqiijiyay Warkaan.

Xubno katirsan Qoyska Boris iyo xafiiskiisa ayuu haleelay Covid-19, waxaana uu ku jiraa xaaladda karaantiilka.

Cudurka Coronavirus ayaa fara ba’an ku haya Wadamo badan oo Caalamka ku yaalla,waxaana ilaa iyo hadda Cudurkaasi u dhintay boqolaal qof.

Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: “24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.

“Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.”