“Waxaa Quluubta Dadkeena Raad Aan go’ayn Kaga Tegay gumaysigii Tigray.”…Madaxweyne Mustafe Cagjar.

0

Hadhwadaag(Jigjiga):-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar Ayaa Qoraal kooban Oo Uu Soo dhigay Bartiisa Facebook Waxaa uu Ku Sheegay In Wakhtiga Deegaanka laga xoreeyey Nidaamkii gumeysiga iyo dusha maamulka ahaa ee Shacabka Deegaanka Soomaalida itoobiya.

Qoraalkan Madaxweyne Mustafe Cagjar Ayaa u Dhignaa Mid Bulshada loogu Sheegayo in Aaney Kala Qaybinta Qabaa’ilka iyo Cid Dusha ka Maamushaa macno u sameynayni.

Halkan Ka Akhriso Qoraalka Madaxweyaha.

Waxaa Quluubta Dadkeena Raad Aan go’ayn Kaga Tegay gumaysigii Tigray-ga iyo dhibaatadi dilka, xadhiga Iyo bahdilka lahayd.
Waxaa Alle mahadiis ah in maanta deeganka xor yahay, yeedhiskii inuu dhamaaday! Iyo in Ethiopia ay ku shaqaynayso Rabitaan keena!

Xukuumadu waxay baraarujinaysa, Urur kaste Ama shaqsi kaste oo aaminsan in deeganka magac qabiil ladhaho, isagoo u aaminsan in gumayste bixiyay magacaas! Ogow waxaad tahay Qab-Qable isku Qiiqinaya shacabka.

Waa inaan Tirtirnaa kala qaybtii gumaystihii ingriiska uu kalahaa magacan! Ee maahan inaan bulshada ladhaxkeeno magac Qabiil.