Ciidamada Liyuu Booliska Oo Jidh-dil U Geystay Lataliyihii Madaxweyne Mustafe Oo Caawa La Xidhay, Wasiirro U Daawasho Tegay Dhaawacyadiisa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xiisadda Ka Taagan DDS

0

Hadhwadaag(Jigjiga):-Ciidamada Liyuu Booliska ayaa caawa fiidkii magaalada Jigjiga ka qabtay Lataliyihii hore ee Madaxweynaha ee dhinaca saxaafadda iyo isgaadhsiinta oo ay si toos ah ugu dhaadhiciyeen jeelka dhexe.’

Sida ay Jigjiga Online u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa, Ciidamada Liyuu booliska ayaa jidh-dil fool xun u geystay Lataliye Maxamed Colaad xilligii ay qabanayeen, halkaas oo ay gacanta ku saareen askar ay tiradoodu ka badnayd dhawr iyo toban oo nabarro waaweyn oo muuqda iyo kuwo qarsoonba.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Lataliye Maxamed Colaad oo dhaawacyo culus qaba loo diiday in cusbitaal la geeyo amaba loogu yeedho dhakhtar daaweeya, sidoo kalena aan loo ogolaanin in ehelkiisu booqdaan.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Mustafe ayaa booqasho daawasho ah ugu tegay Maxamed Colaad saacad kaddib markii la xidhay, waxaanay indhahooda kusoo arkeen dhaawacyada loo geystay iyo sida anshaxa ka baxsan ee loola dhaqmay.

Mid ka mid ah wasiirrada oo Jigjiga Online la xidhiidhay ayaa sheegay in Madaxweyne Mustafe ku amray inay soo hubiyaan, indhahoodana kusoo arkaan Maxamed Colaad oo xidhan, isagoo xusay inay fahmi waayeen ujeeddada Madaxweynuhu ka lahaa amarkan.

Wasiirka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, waxa uu tilmaamay in xaaladda ay ku arkeen La taliye Maxamed Colaad ay ku wargelin doonaan Madaxweynaha oo ay uga sheekayn doonaan, laakiin waxa uu dhinaca kale tilmaamay in amarkani u dhadhamayey digniin iyaga ku socota oo loogu sheegayay inay ku quus-qaataan.

Dhaqanka noocan ah oo lagu yaqaanay Madaxweynihii hore ee Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) oo hadda ku xidhan magaalada Addis Ababa, ayaa waxa uu xubnaha xukuumaddiisa ku amri jiray inay soo dhegaystaan qaylada iyo oohinta dadka lagu jidh-dili jiray Jeel Ogaadeen, taas oo ahayd digniin ah in aanay iyaguna nabad-gelaynin.

Dhinaca kale, xaaladda magaalada Jigjiga ayaa caawa aad u kacsan, waxaana waddooyinka iyo is-goysyada la dhigay ciidamo badan oo Liyuu Boolis ah, kuwaas oo fiidkii horeba joojiyey gaadiidkii magaalada dhex-marayay, isla markaana dadka lugaynaya ku amraya inay hoydaan.

Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenka deegaanka, Md. Aadan Faarax oo maanta ka baxay magaalada ayaa galabnimadii dib ugu soo laabtay, waxaana wararku sheegayaan inuu lasoo kulmay Taliska Ciidamada Bariga ee magaalada Harar.

Waxa iyaguna xidhan Hoggaankii Nabad-gelyada Deegaanka, Cabdi-caadil iyo Madaxii baratakoolka Madaxtooyada, Cabdiqaadir Bisle.

Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiinta ugu sarraysa deegaanka ayaa khilaaf weyni u dhexeeyaa, waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda u baxaan magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu Ra’iisal Wasaaruhu go’aan kaga gaadhi doono midkooda qaldan.

Source-Jigjiga Online.