Alshabaab oo Go’aan cusub ka qaadatay Cudurka Coronavirus & Afhayeenkooda oo soo jeediyey tallooyin

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Alshabaab ayaa go’aan cusub ka qaadatay cudurka Saf-marka ah ee Covid-19, waxaana farriin uu soo duubay Afhayeenkooda Sheekh Cali Dheere uu ku shaaciyey in dadka laga doonayo asbaabo laga qaato ka hortagga cudurka.

Sheekh Cali Dheere oo farriin socotay in ka badan 20 daqiiqo soo duubay ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu ku yimid dembi ay dadku sameeyeen Gaal iyo muslimkanana uu ku dhacayo, wuxuuna dadka muslimiinta ah faray inay towbad keenaan oo ay asbaabtooda qaataan sidii looga hortegi lahaa cudurka. iyadoo lala tashanayo dhaqaatiirka aqoonta u leh.

Wuxuu soo qaatay aayado badan oo qur’aan ah iyo axaadiista Nebiga oo ka hadlaya, wuxuuna ugu baaqay in Alle laga baryo inuu cudurkan dadka muslimiinta ah ka badbaadiyo.

Afhayeenka Alshabaab ayaa ka horjeestay tallaabooyinka ay qaaday dowladda Federaalka, isagoo sheegay in la xirayo dugsiyadii iyo masaajidda, iyadoo ay furan tahay meeshii uu cudurka kasoo faafayey ee Xalane, sida uu yiri, wuxuuna cambaareyn u jeediyey dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo xayiraad ay uga dayanayaan gaalada kusoo rogay dadka.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in maamul Goboleedka K/Glbeed uu xayiraad ku soo rogay dadka, iyadoo ciidamada Itoobiya ay kusoo qulqulayaan degaanadaasi, sidoo kale Somaliland ay ogolaatay inay Itoobiyaanka halka ay xayiraad saartay dadka kale.

Alshabaab ayaa hore cudurka Coronavirus laba jeer ka hadashay iyadoo Sheekh Fu’aad Shongole uu sheegay inuu yahay cudurka Gaallada loogu talogalay, halka mar kale Alshabaab ay sheegtay in cudurka ay dalka soo geliyeen Ciidamada Shisheeye.

 

Hadhwadaag News Network

Muqdisho Somalia Office