Kheyre oo guddi wasiiro ah u magacaabay gurmadka dhibkii ka dhacay QARDHO.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiirro ah u magacaabay inay u gurmadaan dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u aqriyay magacyada xubnaha guddiga loo magacaabay arrintaas iyo shaqada loo xilsaaray.

Xubnahaas oo dhamaantood ah wasiirro ayaa ka kooban sideed, waxayna kala yihiin.

1 – Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye

2 – Maxamed Burci Xamsa  Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka,  Xubin

3 – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta, Xubin

4 – Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Xubin

5 – Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha,  Xubin

6 – Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta,  Xubin

7 – Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda, Xubin

8 – Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka, Xubin

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa amray xubnaha guddigan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bar ee Puntland.

Halkan ka Daawo Maareeye oo akhrinaya magacyada guddiga iyo shaqada loo xilsaaray