《Quudiyaha Qarsoon ee قلبي اطمأن》.W/Q Sharmaarke Wacays

0

Barnaamjka 1-aad ee loogu xiisaha iyo xulashada badan yahay Aduunka oo dhan xaga daawashada ayaa noqday midka la yidhaahdo قلبي اطمأن oo uu soo-saare ka yahay Qof aan illaa hada la aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa dhabta ah toona , barnaamijkan oo ah mid samafal , Isla markaana lagu caawiyo Dadka baahan ee ku nool dacallada dunida , gaar ahaana Carabaha iyo Afrika ayaa ka kooban sodon xal-qadood oo lagu sar-gooyay maalmaha bisha Ramadaan si loogu daawado maalin kasta qaab taxane ah oo lagu soo ban dhigo xaalad cusub oo Banii-aadam nimo oo Qof lagu caawinayo , iyadoo halkii xalqo ba ay socoto ugu badnaan 8 -15 daqiiqo ,

Barnaamijkan oo lagu qiyaaso Dadka ku taxan in ka badan hal milyan oo Qof Isla markaana laga tabiyo inta badan Tv-yada ugu caansan dhanka wadamada Carabta iyo barta YouTube ka uu ku leeyahay curiyaha barnaamijku ayaa lagu tilmaamaa wax yaabaha xiisaha gaarka ah uyeelay inay ka mid tahay hab gudashada xirfadeed ee barnaamijka oo aad utayo saraysa iyo shakhsiyada iska leh Hal-abuurka mashruucan oo ah nin Qarsoon laguna jaah-wareeray dhab ahaan Qofka uu yahay iyo xittaa magaciisa oo dhamys tiran , taasoo muran badan oo xiiso leh ka abuurtay Baraha Bulshadu kuwada xidhiidho ,

Barnaamijkan kasoo maaxday ninkan dhalin yarda ah ee Hii-rooga noqday oo la bilaabay markii ugu horaysay 13 May 2018-ka taasoo ka dhigaysa inuu hada sadex sano jirsaday ayaa lagu qiyaasaa lacagta la bixiyo xilliga uu socdo Toban milyan oo doolar , taasoo sida muuqata aan lagu raadinayn caan-nimo iyo igu sawir toona , laakiin mudnaanta la siiyo farxad-galinta Quluubta baahan ee bukta iyo agoomaha , Hal-doorkan khayrka jecel ee sida kutala gal ah isu qariya ayaa isugu yeedha magaca ah “غيث” oo ka turjumaya hawsha samafal ee uu hayo , isagoo taa badal keedana sheega Dalka uu udhalashay oo ah wadanka imaaraatka carabta , taas oo keentay in laysku ladho magaca uu sheegtay iyo jinsiyada dalkiisa kadib na loogu yeedho غيث الإماراتى ,

Arinta sida gaarka ah aan uga helay ee iisoo jiidatay ayaa ah in sanadkan 2020-ka غيث الإماراتى uu joogay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland , taasoo uu ka duubay Xalqadii 4-aad ee barnaamijka Haweenay Qaxoonti ah oo u dhalatay Dalka Yaman oo guriga ay dagan tahay hortiisa caruurta kaga iibiysa nusa-saacaha si ay uga samayso nolol ,Gabadhan iyo غيث الإماراتى oo ay dhex martay sheeko cajiib ahi ayuu isugu sheegay markii hore inuu yahay nin tabarucaad uguraya dad baahan sidaa darteed hadii ay wuxuun awoodo inay kusoo darsato kaalada , gabadha oo hayd Qof qalbi wacan ayaa kiish yar gacanta galisay kana soo saartay toban kun oo Sh.SL ah oo udhiganta $1.5 doolar , taasoo ah kala badh wixii maalintaas ay soo shaqaysay , laakiinse nasiib wanaag waxaa ka danbeeyay badhaadhe iyo bah-jad uu kadis uga dhigay oo ay la ilmaysay sidii barnaamijka caada u ahayd iyo boqol kun oo doolar oo uu kumaal galiyay , eeg link gan https://www.facebook.com/105283687783112/posts/136418238002990/

Daadihiyaha barnaamijkan قلبي اطمأن ee غيث الإماراتى oo utafaxaytay sidii uu Farxad ugu abuuri lahaa nolosha Dad badan oo baahiyi hayso Isla markaana uu daba socday sheekadooda ayaa caan ku ah Shandad yaroo uu dhabarka ku qaato loona yaqaano حقيبة السعادة iyo sidoo kale adeegsiga erayo Naxariis iyo Naruuro ay ku jirto oo ay ka mid tahay “الناس للناس والدنيا ما زالت بخير” iyo waliba inuu yidhaahdo markastoo uu barnaamijka bilaabayo بسم الله ، نبدأ سعادة جديدة taasoo keentay markstoo barnaamijku uu dhamaado fal-celinta ah illin iyo oohin ay ku ladhan tahay farxad iyo naxdin wada socoda oo ka dhaxaysa daawadaha iyo Deeq qaataha labadaba , taasoo keentay codsiga iyo fariimaha ugu badan ee Bulshadu inay noqdaan barnaamijku hasii ahaado mid Qarsoon oo yaanu marnaba isu muujin غيث الإماراتى Bulshada .

W/Q Sharmaarke Wacays