Saameyn Intee Leeg ayey Ku Yeelan Kartaa Sumcaddii Ciidamada Booliska, Ficilada Foosha Xun ee Uu Jideeyey Taliyaha Degmada Wajaale.

0

TOG WAJAALE(Hadhwadaag):-Tan Iyo Markii Gudida ka hortaga Xanuunka coronavirus ee xukuumada Somaliland joojisay Qaadka dalka soo galaya ee ka iman jiray dalka aynu jaarka nahay ee itoobiya waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo Ifbaxayay ficilada ay ciidanka booliska Somaliland kula Dagaalamayaan qaadka kotarabaan lagu soo galinayo dalka Iyagoo tiroba dhowr jeer Degmooyinka Xuduudka Somaliland la Wadaagto Dalka itoobiya Lagu qabtay qaad si sharci daro ah dalka loosoo galinayo dalka, kaasi oo ay ku gubeen goob fagaare ah.

Hadaba Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale oo Xudun u ah xuduudka ay Somaliland la wadaagto dalka itoobiya iyo qaar kamid maamulka degmada wajaale ayaa ku kacayay ficilo ka baxsan kuwa ciidanka booliska Somaliland kula dagaalamayaan qaadka dalka soo galaya iyagoo seddex jeer warbaahinta kasoo muuqday iyagoo gubaya qaad ay sheegeen in ay kusoo qabteen kotorabaan.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliska ee degmada tog wajaale Nimcaan ayaa bilaabay in uu dadka shacabka ah ee kasoo gudba xuduudka itoobiya ee daanta wajaale ay u baadhaan si arxandaro ah iyagoo xataa gaadhay in ay shacabka ku Yidhaahdaan afka kala qaad in aad soo cuntay qaad kana qaadaan woxogaaga qaadka ah ee usitaan in ay cunaan, iyadoo xukuumada Somaliland ay mamnuucday qaadka laga ganacsanayo balse aanay mamnuucin cunista qaadka wallow Taliyaha saldhiga degmada tog wajaale nimcaan oo isagu sifo kale uga faa’iidaysanaya uu ku kacay ficilo shacabka magaalada tog wajaale fajac iyo amakaag ku noqday, oo horseed u noqon kara karaamadii shacabka somaliland u hayaan ciidamada Jsl.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliska magaalada wajaale ayaa ku kacay dhacdo abuurtay in ay isku dhacaan ciidanka booliska wajaale iyo askar katirsan ciidanka qaranka kadib markii taliye nimcaan ku doontay goob ay ku qayilayeen kana hor qaaday woxogaa qaad ah oo ay cunayeen askartani taasi oo ay ka dhalatay in askartii ay isku ridaan rasaas taasi oo aan sobobin wax khasaare ah, balse halis galin gaadhay amaanka magaalada tog wajaale iyo nafahoodaba halka magaalo ganacsiyeedka wajaale oo ku taala xuduud muhiim u ah Somaliland siwayn looga dareemay dhacdadani.

Ficilada iyo talaabooyinka uu mudadii qaadka la joojiyay ku kacay taliyahan dhawaan masuulka looga dhigay ciidanka magaalada wajaale ayaan intaasi ku koobnayn isagoo koontaraalka magaalada wajaale marka laga soo baxayo ka bilaabay baadhitaano uu dadka magaalada kasoo baxaya ka urursaday qaadkii ay usiteen qaliyaada, iyagoo xataa gacmahooda ku baadhaya rag iyo dumarba hab ka baxsan talaabooyinkii looga bartay ciidanka booliska iyo anshaxa askarinimo. Waxyaabaha kale ee uu ku kacayo taliyaha degmada tog wajaale ayaa keenay in khilaaf iyo wada shaqayn la,aani soo kala dhex gasho laamaha kala duwan ee dawlada sida ciidanka turbataariyada ,ciidanka sirdoonka iyo ciidanka qaranka oo dhamaan ay iska horyimaadeen taliye nimcaan oo aan la lahayn wax wada shaqayna islamarkaana samaystay kooxo dhalinyaro oo aan iyagu katirsanayn ciidanka booliska islamarkaana uu u adeegsanayo qaqabashada dadka shacabka ah ee kasoo gudba dhinaca itoobiya ee magaalada wajaale kuwaasi oo ficilada ay ku kacayaan sumcad xumo usoo jiiday ciidanka booliska Somaliland.

Talaabooyinka iyo muuqaalada uu warbaahinta ka  baahinayo taliyaha ciidanka booliska degmada wajaale ayaa xiligan u muuqda kuwo dhaawac wayn soo gaadhsin kara xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya oo ah laba dal oo kawada shaqeeya amniga, ganacsiga iyo xidhiidhka soo jireenka ahaa ee labada dawladood.

Sikastaba ha ahaatee taliyaha ciidanka booliska ee degamada tog wajaale ayaa u muuqda mid siyaabo kale uga faa’iidaystay hawlihii qaranka iyo qorshihii loogu talo galay mudada qaadka la joojiyay in lagula dagaalamo taas oo Dhaqamo ka baxsan anshaxii iyo asluubtii lagu yaqaanay ciidamada booliska somaliland u horseeday inay ku dhaqaaqaan talaabooyin ka baxsan milgihii ciidanimo oo keentay in inta ay magaalada kasoo baxaan habeenkii ay muwaadiniinta shacabka somaliland ku baadhaan banka wajaale, iyagoo ciidamada oo hubaysi jidka u gala baabuurta kasoo baxa degmada wajaale kadibna dadka ula dhaqmo si kasbaxsan xoriyada muwaadinka iyo dhawrista sharafta bulshada somaliland.

 

 Xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya iyo ganacsiga magaalada tog wajaale oo isagu 90% ku xidhan dalka itoobiya una baahan in si masuuliyada ku dheehan tahay loo ilaaliya halka tan iyo intii taliyaha degmada tog wajaale loo magacaabay Mr Nimcaan ay hoos u dhacday wada shaqayntii ciidanka itoobiya ee ku sugan xuduudka wajaale iyo kuwa Somaliland taasi oo lala xidhiidhinayo talaabooyinka deg degu ka muuqda ee uu qaadayo taliyaha ciidanka booliska ee degamada tog wajaale

Xukumada Somaliland ayaa laga filayaa in ay si dhow ula socoto waxyaabaha ka socda magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ee xuduudka ay wadagaan dalka itoobiya iyo somalland oo wakhtigan u baahan in ay isbadal deg deg ah ka qaado si aanu u wiiqmin xidhiidhka labada dal iyo wadashaqayntii laamaha amniga ee Somaliland iyo itoobiya.

Dhacdooyinka Foosha xun ee ka dhacay degmada togwajaale wakhtigan lagu gudo jiro joojinta qaadka ayaa waxaa kamid ahaa in ciidamada booliska ee kaantaroolka magaaladu si khaldan u baadheen ulana dhaqmeen gaadhi ay leedahay Safaarada Dawlada Itoobiya ee Fadhigeedu yahay Somaliland oo ay saarnaayeen Saraakiil sarsare oo ka hawlgala safaarada Somaliland ay ku leedahay itoobiya.

Waxaana Arrintaasi sababtay in safaarada Dalka itoobiya ee fadhigeedu yahay Caasimada hargeisa ee somaliland ay cabsho u gudbiyeen laamaha kala duwan ee dawlada somaliland sida wasarada arrimaha Gudaha iyo Wasaarada arrimaha dibeda, iyagoo ka cawday qaabka loola dhaqmay maadaama ay yihiin masuuliyiin ka socoda dawlad kale ayna mudan yihiin ixtiraam iyo la macaamil wanaagsan.

 

Wajaale Somaliland

Hadhwadaagnews@gmail.com