Ururka Qormeeye Oo Maanta Deeq Raashina U Qaybiyey Qoysas Danyar ah oo ay Usoo Mariyeen Walaalo Muslimiin ah oo Ku Nool Dalka iyo Dibediisu.

0

Hargeisa(Hadhwadaag):-Ururka Qormeeye Oo Kamida Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka shaqeeya horumarinta bulshada ayaa maanta deeq raashin ah u qaybiyey 26 qoys oo kamida qoysaska danyarta iyo agoomaha ah ee ku nool qaybo kamid magaalada hargeisa.

Deeqdan raashinka ah oo ay soo usoo mariyeen una soo direen  dadkan danyarta ah Walaalo muslimiin ah oo ku nool dalka dibediisa iyo dalka gudihiisa ayaa ugu talo galay inay ku kaalmeeyaan dadkan Masaakiinta ah Bisha barakaysan ee ramadaan oo lagu jiro wakhti adag oo saameynta xanuunka corona virus dunida uu si xad dhaafa ugu yeeshay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaag News Network