Magaalada Wajaale Goobta Qashinka & Wasakhda La Keeno iyo Xabaalaha Dadka Dhinta Lagu Aaso oo Isku hal meel ah.

0

Hargeisa(Hadhwadaag):-Magaalada Wajaale oo ah xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo itoobiya halkani waa xabaalaha kaliya ee lagu aaso dadka ka dhinta magaalada, waxaa ay isku goob yihiin godka ama goobta lagu soo guro Qashinka iyo wasakhda magaalada wajaale.

dhibaatada ka haysatada dadka yimaada xabaalahan si ay ugu aasaan cida ka geeriyootay waa qadhmuunka iyo urta kasoo baxaysa goobtan qashinka magaalada la keeno, taas oo wakhtigan oo lagu gudo jiro xili roobaadkii ay ka dhalan karaan xanuun saameyn ku yeesha bulshada iskugu timaada qabuurahan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Dhammaystiran.