Afhayeenka Alshabaab-Sheikh Cali Dheere Oo Sheegay Halka Ay ku Bixin Doonaan Lacagta Madax Furashada ah ee Ay Kusiidaayeen Gabadhii Talyaaniga ahayd.

0

Hadhwadaag(Banaadir):-Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wareysi uu teleefonka ku siiyey wargeyska La Repubblica ee dalka Talyaaniga uga hadlay lacagtii madax-furashada ee ay ku qaateen sii-deynta Silvia Romano iyo sida ay ku islaamtay.

Xadiga lacagta Madax furashada ee ay kooxda Alshabaab ka qaateen kuna siidaayeen gabadhan u dhalatay dalka talyaaniga oo ay haystaan muddo 18 bilood ah ayaa dhan 3 milyan oo dollar.

Cali Dheera ayaa sheegay in lacagtaas loo adeegesan doono in lagu maal-geliyo “jihaadka”.

“Lacagta waxaa loo adeegsan doonaa in qeyb ahaan lagu soo iibiyo hub, taasi oo aan u baahannahay si aan u fulinno jihaadka,” ayuu yidhi.

“Inta kale ee lacagta kasoo harta waxaa lagu maamuli doonaa dalka: waxaa lagu bixin doonaa iskuullada, waxaa lagu iibin doonaa cunooyin iyo dawooyin la siinayo dadkeena, waxaa lagu tababari doonaa boliiska ilaaliya kala dambeynta iyo dhaqan-gelinta shareecada qur’aanka.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dhowr iyo toban qof ay ka qeyb qaateen afduubka Silvia Romano, balse aysan hoggaamiyayaasha Al-Shabaab agaasimin afduubka.

“Al-Shabaab waxay leedahay nidaam la macaamila inuu keeno lacag lagu wado shaqooyinka ururka, taasi oo kadibna dib loogu qeybiyo dadka Soomaaliyeed. Waa hay’addan tan maamusha ilaha dhaqaale ee kala duwan ee ururka,” ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyey sababta ay si wanaagsan ugula dhaqmeen Silvia.

“Silvia waxay noo aheyd agab aan ku gorgortonno. Waxay sidoo kale ahayd haweeney, anagana haddaan nahay Al-Shabaab xushmad weyn ayaan u haynaa haweenka,” ayuu yidhi afhayeenka Al-Shabaab.

“Waxaan sameynay wax kasta oo aan awoodno si aynan dhib u gaadhsiin, sababtoo ah Silvia waxay ahayd la-hayste ee ma ahany maxbuus dagaal. Maxaabiista dagaalka waxaan ku wareejinaa ciidamada, si la mid ah waxa ay sameeyaan ciidamada Soomaaliya marka ay qabtaan askari Al-Shabaab ah.”

Isaga oo ka hadlayey qaadashada Silvia ee diinta Islaamka, waxa uu yidhi: “inta aan ogahaay, Silvia Romano waxay dooratay Islaamka sababtoo ah waxay fahamtay qiimaha diinteena, kadib markii ay aqrisay qur’aanka.”.

Halkan Guji oo ka Akhri Wararka ay ka Qoreen Madax furashadaasi Warbaahinta Dalka talyaanigu.