Sagaal Caruur ah iyo Hooyada Dhashay Oo Warbaahinta Lasoo Istaagay Oohin Fariina U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

0

Hargeisa(HNN):-Hooyo Dhashay Sagaal caruura ayaa Maanta warbaahinta la soo istaagtay oohin iyo fariin dhiilo wadata, waxaana hooyadani sheegtay in sababta dibeda usoo saartay ay tahay kadib markii aabihii dhalay umadkan ee masaariifta usoo saari jiray dhawaan lagu qabtay gaadhi nooca tukhaanka ama tagsiga loo yaqaan oo ahaa insha kaliya ee qoyskani nolol maalmeedka kala sooo baxo, lagu qabtay Isagoo u kireysan mid kamida ganacsatada qaadka, waxaana kadib markii ciidamdu ku qabteen gaadhigaasi iyo qaadkii uu siday oo uu wade ama dirawal ka yahay aabaha dhalay sagaalkan caruurta ah, ayaa maxkamadu ku xukuntay laba sano iyo badh xadhiga iyo saddex milyan oo ganaax lacageeda, halka ay maxkamadu ku wareejisay gaadhigii tukhaanka ahaa Ciidamada Booliska Somaliland oo maalintii shalay ku Buufiyey Midabka gaadiidka Ciidamada Booliska Somaliland.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Warkan Dhiilada Leh.