Waxaa Ceeba In Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley Ay U Jawaaban Madaxda Dhaqanka ee Matasha Shacabka Deegaanka.Prof Meecaad.

0

Hargeisa(HNN):-Prof Ibraahim maxamed Meecaad oo Kamida Siyaasiyiinta ku nool dalka dibadiisa islamarkaana kasoo jeeda gobolka gabiley ayaa si adag uga hadlay qorshaha ay xukuumada somaliland gaar ahaan gudida xanuunka corona virus u qorsheeyeen shacabka somaliland ku nool deegaanka gabiley raashinka mucaawinada ah ee loogu talo galay in la gaadhsiiyo degmooyinka dalka, taas oo uu dhawaan maayirka magaalada gabileyna ku tilmaamay waxaan u qalmin shacabka gobolka gabiley in la yidhaa waxa loo qoondeeyey raashin dhan 2000 kun, sidoo kale waxaa uu ceeb ku tilmaamay prof meecaad qaar kamida siyaasiyiinta xilka ee u jawaabay madax dhaqameedka kasoo jeeda gobolka gabiley oo xukuumada madaxweyne biixi ku dhaliilay arrintaasi.

Prof Ibraahim Meecaad ayaa ka waramay taariikhda gobolka gabiley iyo Marxaladihii uu soo maray isagoo kasoo sheekeeyey Dawladihii hore ee dalka soomaray iyo sidii ay ula soo macaamileen gabiley iyo natiijadii laga dhaxlay, Waxaanu ku taageeray go’aanka iyo qaabka ay uga hadleen madax dhaqameedka kasoo jeeda gobolka gabiley qadiyada gobolnimada iyo in aan shacabka gobolka gabiley la marin miisaankii ay lahaayeen.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka prof Meecaad oo Arrimahaasi Ka Hadlaya.