Weerar sababay khasaare oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Puntland .

0

Hadhwadaag(Garoowe):-Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka puntland lagu qaaday xili ay ku sugnaayeen saldhiga Balli-Khadar ee gobolka Bari.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhex-maray Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Saldhigaasi ku sugan iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarkaas ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland mid kalena uu ku dhaawacmay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhiga soo weeraray ay iska difaaceeb,isla markaana ay ka dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa mararka qaar waaxa ay weeraro toos ah iyo mid qaraxyo loo adeegsado ka fuliyaan deegaano ka tirsan Puntland,waxaana weerarkaan uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Puntland ay soo bandhigtay Rag ay sheegeen inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish iyo waxyaabaha qarxa.