Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Fariimo Is Barkan u Diray Xukuumada Somaliland, Maamulka Farmaajo iyo Guud Ahaan Shacabka Jsl.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Waxaa uu Maanta Shir Jaraaid ku Qabtay magaalada Hargeisa, Waxaa uu Eng Faysal Cali Waraabe Fariimo is Barkan oo kala Duwan u Diray Xukuumada jsl, Maamulka Farmaajo iyo Shacabka Somaliland.

Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu si adag uga hadlay maamulak madaxweyne Farmaajo iyo Talaabooyin Qaawan ee uu kala kacayo Dawlada Somaliland, iyo sidoo kale daandaansiga dagaal ee uu ka wado Gobolada Barriga somaliland.

Sidoo Waxaa uu Si faahfaahsan uga hadlay Arrimaha wadahadalada somaliland iyo somalia.

Waxaana uu Madaxweynaha jsl ugu baaqay Inuu Cafis u fidiyo Dadkii lagu qabtay qaadka iyo gaadiidkii laga xidhayba, isagoo madaxweynaha fariin ugu diray in qorshaha qaadku ahaa mid lagu degdegay Shacabka iyo Dawladuna u baahan yihiin qorshe lagaga gaashaanto.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Eng Faysal Cali Waraabe.