Waa Kuma Ninka Muslinka Ah Ee Uu Madaxwayne Trump U Magacaabay Inuu Hoggaamiyo Dedaallada Lagu Soo Saarayo Tallaalka Covid-19?.

0

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa u magacaabay Moncef Slaoui inuu hoggaamiyo dadaallada uu Maraykanku ku baadi goobayo tallaalka xanuunka dunida sida aadka ah ugu faafaya ee Coronavirus, maalintii Jimcihii oo ku beegnayd 15-kii bishan May.

Haddaba waa kuma ninka madaxwayne Trump uu u doortay hoggaaminta hawsha dunida oo dhami indhaha ku haysaa?

Magaciisa oo saddexani waa Moncef Mohamed Slaoui, kaas oo ku  dhashay magaalada Agadir ee dalka Morocco, bishii July 22-keedii sannadkii 1959-kii, Mr. Slaoui waxaa uu dugsiga sare kaga baxay magaalada Casablanca ee ugu wayn dalkaasi Morocco, kadib dalka Faransiiska ayuu u tegay waxbarashada sare, balse wuu waayay fursaddii uu waxbarashada kaga bilaabi lahaa isagoo u gudbay dalka Belgium-ka oo uu dhalashadiisa qaatay, kadib markii uu uu qaatay shahaadada PhD, waxaa uu si rasmi ah ugu guuray dalka Maraykanka, inkasta oo uu ka baxay dugsiga caafimaadka ee Harvard, Mr.

Slaoui ma uu ahayn nin aad caan u noqday tan iyo markii madaxwayne Trump uu xilkan u magaacabay.

Mar ay isaga iyo madaxwayne Trump ku sugnaayeen beerta Rose Garden ee aqalka cad, ayuu uga mahadceliyay magacaabista uu Trump magacaabay, isagoo sheegay inay sharaf u tahay inuu u shaqeeyo waddankiisa waa Maraykanka e, iyo adduunyadaba.

Mashruuca soo saarista tallaalka xanuunka Coronavirus ee loo xilsaaray ninkan Muslinka ah, ayaa waxaa ku baxaya ballaayin dollar, kaas oo ay dawladda Maraykanku ku magacowday ‘’Operation Warp Speed’’.

Hore ayuu madaxwaynaha Maraykanku ula mid dhigay qorshahan midkii la odhan jiray Manhattan Project, kaas oo lagu saaray Nuclear-kii ugu horreeyay taariikhda, kaas oo sabab u noqday inuu Maraykanku soo afjaro dagaalkii labaad ee adduunyada.