Gudida Covid19 Ee Somaliland Oo U Jawaabtay Gudoomiyaha SOLJA “Guddoomiyaha Solja Dan Gaar Ah Ayuu U Socdaa, Dhaliilihiisuna Sal Iyo Raatoonna Malaha”.

0

Xoghayaha Fulinta Gudida ka hartaga Cudurka Corona Virus Xuseen Aadan Cige ayaa u jawaabay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto), waxaanu ku tilamaay nin dano gaar ah wata.

Xuseen dayr oo waraysi gaar ah siiyay telefishanka Bulsho ayaa waxa uu yidhi “Horta isaga oo aan balan samaysan ayuu Xafiiska noogu yimi howlo ayaanu haynay guddida covid19, Guddoomiyuhu War-qada ayuu noo soo diray War-qadaasina waataa hortaala 28 bisha ayey na soo gaadhay, balse jawaabteedii horta Maxamuud muu sugin, waxaan doonaynaa ayuu idhi cilmi baadhis cilmi baadhistaasina nooca ay ahayd iyo ujeedada ay lahayd sidda ay isaga la tahay halkan ayey ku qoran tahay , guud ahaanba guddida heer Qaran ee uu Madaxweynaha Somaliland magacaabay Muuse Biixi Cabdi ee uu Madaxweyne ku-xigeenkuna Guddoomiyaha ka yahay shalay ” doraad”war-baahinta waanu la haddalnay,su’aal kasta oo loo baahnaa haddii ay tahay qaabka aanu u shaqayno , haddii ay tahay wixii Lacag na soo galay , wixii agab la soo galay, sanaaduuqda ay Dowladu doonayso inay ummada ku caawiso , haddii uu yahay sanduuqa Caafimaadka,Sanduuqa Qoyska loogu talo gelay , Sanduuqa dadka ay shaqadu ka istaagtay loogu talogalay,Sanduuqa loogu talogalay guud ahaanbe beeralayda in lagu dhiirigeliyo, Madaxweynaha iyo guddida kalena si toos ah ayey u faah-faahiyeen,guud ahaanba war-baahinta Somaliland ee uu leeyahay ninka Xuuto la yidhaah waan matelaa meesha ayey joogeen 50tan su’aaloodna wey na weydiiyeen , wax kastana waanu uga jawaab-nay , qoraal dheer oo aanu ku soo bandhignay ciddii wax noo dhiibtay intaana war-baahinta ayaanu u gudbinay.”

“Waxa is weydiin leh Guddoomiyaha SOLJA isagu ma dan gaar ah ayuu u socdaa goorma ayuu isagu kursigii uu Hantidhowrku lahaa uu isagu ku fadhiistay,Wax-yaabaha uu Guddoomiyaha Solja doonayo in aanu uga jawaab-no waxa kamid ah:- Dhaqaalaha iyo Agabka Wacyigalineed ee guddida Heer qaran u qoondaysay ololaha Wacyigalineed ee xanuunka COVID-19 iyo siday u baxday”.

“Su’aalo noocaas ah hadda ayaan ku celinayaa xaq uma laha inuu su’aalo noocaas ah na weydiiyo , wixii war-bixin ah ee kalena dadka ayuu ula siman yahay , haddii uu doonayo isagu marshuuc uu lacag ku soo qaato qaabkii Mashruuca loo qorayey noocan mahaa, guddidu waa gudddi uu Madaxweyne Magacaabay waa guddi uu Guddoomiye ka yahay Madaxweyne ku xigeenku, waa guddi ay golaha wasiiraddu lix wasiir kaga jiraan, waa guddi leh xoghaye guud oo fullineed, waanu naqaanaa shaqadayadda shaqadayaddana Xuuto noo tilmaami maayo,isaga ayaan shaqadiisii garanay ee isagu shaqadiisa ha garto,shalay war-baahintu haddii ay joogtay kuwa uu leeyahay iyo kuwa uu metelo, waxa kale ee uuna weydiinayaan waa gardaro,wac-yigelinta isagu masuul kama aha, ha is weydiiyo isagu doorka uu ka guddoomiye ahaan madaama oo uu yahay Guddoomiyaha SOLJA in ummadiisa uu war-baahinta u nidaamiyo inta uu kale xigsanayo ee uu kale qoqobayo war-baahinta isagu doorkii Guddoomiyaha SOLJA ee ururka suxufiyiinta Somaliland ayuu isku sheegayaaye isagu ha is weydiiyo doorkee ayaad kaga aadan tahay addigu in aad ummadaada ka wac-yigeliso oo aad war-baahinta Qaranka iyo war-baahinta kale ee gaarka loo leeyahayba inta aad meel iskugu keento aad tidhaah-do maxay tahay ujeedadeenu ummaddeena siddeebaynu xanuunkan dilaaga ah aynu uga wac-yigelinaynaa habayaraatee ma jiro wax qorshe ah oo uga meel yaalaa.”Ayuu yidhi Xoghaye Xuseen Deyr

“Waxay noqotay Guddida Covide 19 iyo dhaliilihii uu usoo jeediyey , waxaan leeyahay dhaliilahaasi waa dhaliilo aan sal iyo raadtoona lahayn, wax ale waxa ka jiraana aanay jirin,shalay ayaanu haddalnay ” dooraad” maanta “shalay” waxa igu kelifay in aanu haddalo saaka “shalay subax” markii uu Xafiiska igu yimi siddii uu yahay Guddoomiyihii Hantidhowrka Qaranka ayuu yidhi waxaanu doonaynaa in aad su’aalahaa nooga jawaabto , su’aalahana waxa weeyaan su’aalo baal marsan nidaamka Dowlad-nimadda , isaga laftiisu wuxuu ku shaqeeyaa miisaaniyadda Dowlada ,siddaa daraadeed waxaan leeyahay dhaliilahaa uu soo jeediyey Guddoomiyaha SOLJA wax-ba kama jiraan,ummadduna markhaati ayey ka tahay in aanu shalay usoo jeedinay oo aanu usoo bandhignay wixii nasoo galay Lacagtu halkii ay ka timi ciddii bixisay , wixii agab na soo gaadhay,waxa ku soo jira jidka, hawlaha shaqo ee guddida Covide 19 si fiican ayey u socdaan wixii dhaliilo ah ee jira waanu qaadanaynaa, lakiin’se dan gaar ah oo uu leeyahay Guddoomiyaha SOLJA ka hor istagi mayso hawlaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu u xil saaray Guddida Heer-qaran.”Ayuu yidhi Xoghaye Deyr