Safarkii Madaxweynaha ee Berbera Corridor. W/Q:-Mohamed Abdi.

0

Waxan baraha bulshada ku arkay muqaallo laga soo duubay madaxweynaha Somaliland oo la yidhi 12km oo Berbera Corridor ka mid ah ayuu xadhigga ka jaray.

Waxa caado inoo noqotay in Madaxweynaha lagu sawiro dhagax dhig iyo xadhig ka jarid, haddaba anigoo soo dhowaynaya horumar kasto aynu gaadhno iyo tallaabo kasta oo aynu hore u qaadno,haddana tan manta dareen taban Ayaan ka qabaa!!!.

Waxay ahayd March 2019 markii mashuucan la bilaabay ee Madaxeyaha iyo ka Dawlad Goboleedka Ethiopia ay ka qayb galeen.Waxa la sheegay in mashruucu ku dhammaanayo 26 bilood oo uu dhammaan doono May 2021.

Halkaa haddii aynu xisaab yar ka galno 230 Km oo lagu dhammaynayo 26 bilood waa in bil walba la dhammeeyo 8.8 Kms. Haddii wax waliba sida loo qorsheeyay u socdaan waxay ahayd in ay manta dhammaadan 123Km oo u dhiganta 52%.

Waxa laynaga iibiyay oo Madaxweynihiina lagu sawirtay 12Kms oo u dhiganta 5.2% of the total project.Haddii 5% inaga qaateen 14 bilood, 95% ayaannu ku dhammaynaynaa 16 bilood oo ku eg September 2021 iyana waa been aan suuro gal ahayn.

Madaxweynaha saffarkiisu waxay ahayd in uu noqdo kormeer hawleed loogu kuurgelayo wixii qabsoomay 14 bilood, waxay ahayd in la tuso shaybaadhaadda lagu hubiyo tayada hawsha la qabanayo.Waxay ahayd in la tuso civil structureka ay ka mid yihiin bridgeska ,Box Culvertska, Pipe Culvertska, iyo Irish crossingska mashruuca ka midka ah.

12kms ay baabuurtu taraaraxayso laguna shubay daamur madow laguna qurxiyay ranjiyo midabo leh oo lagu daadshay reflective glass beeds laynagu indha sarcaadiyo ayaa Madaxweynaha la tusay. Waxan ka digayaa in laynagu qaldo oynu wanaag u aragno meel laynagu qaldayo.

Waxan arkayay nin hindi ah oon u malaynayo inuu contractorka metelayay oo cudurdaar ka dhiganaya massaafadda yaa kala fog Meesha alaabta dhismaha laga soo qaadayo ayaa fog !! wuxuu sheegay in dhagaxa basaltka Meesha laga helay fogtahay isagoo taana dibudhaca ku sababaynaya.

Buuraha Golis Range oo dhan oo wada volcanic ah ayuu basalt meel keli ah ku jiraa miyaa reer Somaliland laga iibiyay oy sacabka u garaaceen? Buuruhu waa wada basalt.

Dawladda Emaaraatka oo mashruuca inaga caawisay waan u mahadnaqayaa, laakiin contractorka waa in aan loo habran.

Waa in la sameeyo sedex darajo oo kala sarreya oo tayada lagu hubiyo oo kala ha contractor laboratory, Consultant Laboratory iyo Ministry Surveilance procedure isu wada markhaati fura.

Nimaan hadlan hooyadii qadisay,haddan waxa qaldan horay laga sheegin oo Meesha canaani ku jirto la sheegin oo 5% ayaa 14 bilood lagu dhisay aynu u sacbinno ogaada inagaa dhegxumada is badnaye.

Never trust a contractor trust systems and procedures instead