Kornayl Caare Oo Markii ugu Horeysay Shaaciyey In Dagaalkii Qoriga Uu Ku Bedelay Mid Siyaasadeed, Kuna Biirayo Siyaasad.

0

Hadhwadaag(Turkey):-Kornayl Siciid Cawil Caare Oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Qaranka Somaliland mudana ka goostay Ciidamada Oo la baxay  jabhad isaga taabacsan, ayaa kadib muddo lix bilood ka hor uu heshiis dhexmaray xukuumada somaliland.

Waxaana Kornayl Caare oo aan kasoo muuqan mudadaasi uu lixda bilooda kadib markii uu dalka ka baxay oo uu si qarsoodiya ugu dhoofay dalka turkiga markii ay xukuumadu soo xerogalisay kooxdii uu horkacayey, ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay arrimo door ah.

Waxaana Ugu horeyn kornaylku hanbalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse biixi cabdi iyo madaxweyne farmaajo oo ku hanbalyeey shirka waddahadalka labada dal uga furmay djabouti, isagoo usoo jeediyey in labada Madaxweyne ku heshiiyaan wax u dan ah shacabka Labada Dawladood.

Dhanka kale Kornayl caare Waxaa uu markii ugu horeysay ka dhawaajiyey in dagaalkii qoriga ahaa uu wakhtigan u bedelayo mid siyaasiya, ka wacan tahay wakhtigan in dagaal qori loo qaato in lagu doodno siyaasad iyo nabad galyo.

Waxaana uu Fariin u diray bulshada taageerta isagoo u balanqaaday inuu urur siyaasadeed furan doono ama uu ku biiridoono kuwa jira.

Waxaa uu Talo iyo Dardaaran usoo jeediyey beelaha Ku dagaalamay dhawaan gobolka sanaag kuwaas oo ugu baaqay inay nabada ka shaqeeyaan.