Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Munaasibad Hadhimo-sharafeed Ah Ku Sagootiyay Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Togdheer Oo Ka Mid Ahaa.

0

Burco(HNN):Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa munaasibad hadhimo-sharafeed ah ku sagootiyay Maxamed Diiriye Xayd (Daljir) oo tirsanaaa guddidan kaas oo madaxweynaha somaliland shalay u magacaabay Badhasaabka Gobolka Togdheer.

Sidoo kale Guddida Qandaraasyada Qaranku waxay munaasibadan kusoo dhaweeyeen Muuse Jaambiir oo ku biiray guddida qandaraasyada qaranka somaliland kaaso oo lagu buuxiyay booskii uu baneeyay Maxamed Diiriye Xayd (Daljir).
 Xubno ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, Gudoomiye ku-xigeenka guddidaasi iyo agaasimaha guud Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo xubno kale oo madasha hadhimo-sharafeedka ah ka hadlay ayaa weedho duco iyo dardaaran ah kusii sagootiyay Maxamed Diiriye Xayd (Daljir) oo tirsanaaa guddida, waxaanay ka warameen doorkii firfircoonaaa ee kaga jiray guddidan, geeska kalena waxay si diiran usoo dhaweeyeen Muuse Jaambiir.