Breaking News-Wasiirkii Difaaca Dalka Itoobiya Oo Iscasilay Caawa Kadib Markii Awooda Ciidamada Uu Kala Wareegay Raysal Wasaaraha Dalku.

0

Addisababa(Hadhwadaag):-Warar Hadda Naga Soo Gaadhaya Caasimada Dalka Itoobiya ee Addisababa ayaa sheegaya inuu is casilay wasiirkii Gaashandhiga Ethiopia Lamme Magarse kadib markii galabta Awoodii wasaarada gaashandhiga lagala wareegay oo Raysal wasaaraha Ethiopia Kornayl Abiy Axmed uu sitoos ah xafiiskisa u hoos keenay wasaaradaha Gaashandhiga iyo amniga.

Lamme Magarse ayaa horey Madaxweynaha deegaanka Oromia u ahaa xiligii uu socdey kacdoonka Oromadu kaga soo horjeeday TPLF,

Marka dib loo eego halkii uu ka taagnaa siyaasadii kacdoonada badan dhalisay ee dawladii ka horeysay Abiye Axmed, Lamme ayaa wakhtigaas ka diiday dowlada dhexe inay ciidanka military-ga u isticnaasho kacdoon wadayaashii Oromada ahaa, sidoo kale maantana waxuu diiday aadna u dhaliilay isticmaalka ciidanka loo isticmaalay shacabka Oromada oo boqolaal la dilay.

Ma Jiro Ilaa Hadda War Rasmiya Oo kasoo Baxay dalka itoobiya khadka isgaadhsiinta iyo internetka oo ka go’an ilaa hadda markii ay rabshadahani bilaabmeen.

 

Hadhwadaag News

Addis Ababa Office

Hadhwadaagnews@gmail.com