Wafti Ka Socd DAlka Kenya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa Iyo Ujeedada Waftigaasi.

0

Hargeisa(HNN):-Magaalada Hargeysa ee Caasimada  Soomaaliland waxaa Maanta soo gaadhay Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Xildhibaanada laga tirada badan yahay (minority) ee Baarlamaanka Kenya Junet Mohamed.

Ujeedka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii loo loo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dalka Kenya.

Xubnaha Wafdiga ee ka socday Kenya ayaa waxaa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Xisbiyada muxaafidka iyo mucaaradka Soomaaliland,

waxa ayna hore kulamo ula qaateen Gudaha Kenya wefdi ka socday Somaliland oo booqday waddankaasi, iyagoo ka wadahaddalay sidii loo adkayn lahaa Xidhiidhka iskaashi ee labada iyo xoojinta arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha wadamada kenya iyo somaliland.

Maaha markii ugu horeysay ee somaliland ay yimaaadaan wafti ka socoda dalka kenya iyadoo hore ay xukuumada somaliland u qaabishay ufuud kala duwan oo ka yimid dalka kenya oo horkacayeen xubno wasiiro ahi.

Hargeisa Somaliland