Hargeysa: Qoysas Guryahoodii ku Gubteen oo Kaalmo la Gaadh Siisay

0

Hargeisa(HNN):-Hay’adda King Salmaan ee bini’aadannimada iyo Gargaarka Sucuudiga oo kaashanaysa Hay’adda Qaxootiga iyo Barokacayaasha JSL, ayaa raashin iyo agab kale gaadhsiiyey qoysas danyar ah oo deggan xaafad isku raran ah oo dhawaan gubatay.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Wargeyska Arab News oo ka soo baxa Sucuudiga oo sheegay in dadka caawimadaas la gaadh siiyey oo tiradoodu tahay 2,280 qof loo qaybiyey 380 shay oo iskugu jiray Raashin, Busteyaal, Furaashyo iyo macaanka Guryaha.

Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda King Salmaan ee Afrika, Yuusuf Al-Rahma ayaa sheegay inay markiiba ka soo jawaabeen markii Hay’adda Qaxootiga iyo Barokacayaashu ku soo wargelisay dabka baa’biiyey Xaafadaas isku raranka ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha JSL Cabdikariim Axmed Maxamed, ayaa sheegay in qoysaskaas gargaarka lala soo gaadhsiiyey xilli ay baahi weyn u qabeen, waxaanu tilmaamay inuu uga mahadcelinayo Hay’adda KS-Relief, sida degdega ah ee ay uga soo jawaabtay codsigii ay u direen Hay’addaas.