Maandooriyayaal kala Duwan oo lagu Qabtay Magaalada Wajaale

0

Hadhwadaag(Wajaale):-Degmada Togwajaale ayaa maanta meel fagaare ah lagu gubay maandooriyeyaasha Khamriga iyo Xashiidshada oo si sharci daro ah loo soo galinayey dalka.

Waxa goobtii lagu gubayey maandooriyahaas goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Tiknoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, guddoomiyaha gobolka Gabiley Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, taliyaha qaybta ee ciidanka booliiska ee gobolka Gabiley gaashaanle dhexe Axmed Cabdilaahi Cabdi, guddoomiyaha degmada Wajaale, iyo taliyaha saldhiga degmada, khamrigaas oo ka koobnaa 450 litir iyo 30 kiiloo oo xashiishad ah, waxa lagu gubay meel fagaare ah, waxayna masuuliyiintii halkaas ka hadashay fariin adag u direen dadka ku hawlan arrintaas in laga qaadi doono talaabo sharci ah.

waxayna masuuliyiintu sheegeen inay maandooriyeyaashaas ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka booliska ee degmada Togwajaale, iyaga oo intaas ku daray in ciidamadu dedaal xoogan ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cid kasta oo ku hawlan wax bulshada waxyeelo u geysanaya.