Deg Deg:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahinta Qaraxaasi.

0

Deg Deg:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahinta Qaraxaasi.

Hadhwadaag(Muqdisho):-Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayadda Blue Sky,halkaas oo ay ku taallo bar koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya una dhow Taalada Xaawa Taako.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay dad fadhiyay maqaayadda Blue Sky, waxaa warar horudhac ah ay sheegayaan in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa kacsan, waxaana xiray Ciidamada Dowladda oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay goobta tagaan