Guddoomiye Cirro: Khilaafka Shirka KULMIYE waa mid dabiici ah oo sunne u ah xisbiyada oo dhan.

0

Hargeisa(HNN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo waraysi gaar ah siiyey telefiishanka Bulsho Tv isagoo ku sugan dalka Sweden, waxa uu arrin dabiici ah ku sifeeyey khilaafyada ka dhex dhaca gudaha xisbiyada qaranka, waxaannu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey khilaafka ka dhashay shirweynaha 4-aad ee xisbiga KULMIYE oo ka socda Caasimadda Hargeysa.
“Horta noloshaba muranku wuu iska jirayaa oo xisbi ha noqoto ama shaqsi ha ahaatee khilaafku waa wax jiraya, muwaadiniintuna xaq ayey u leeyihiin oo xisbiyada waxa loo samaystay in la kala aragti duwanaado oo macnaha kuma odhan karayo dadka WADDANI ku jira oo dhan waa isku wada fikir, wax ayaa laga hadlayaa oo waa lagu kala aragti duwanaanayaa, dammac ayaa laga hadlayaa oo waa lagu kala duwanaanayaa, anigu in muran jiro iyo in kala duwannaansho jirto waxa aan u arkaa arrin dabiici ah, markaa waa arrin dabiici ah oo asxaabtana hore ayey uga dhacday,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxa kaloo la weydiiyey su’aal ahayd jn xisbiga WADDANI diyaar u yahay inuu ka faa’iidaysto haddii rag siyaasiyiin ah ka soo cadhoodaan KULMIYE, waxaannu ku jawaabay; “Horta wixii aynu aragno, waanay dhacaysaa oo xisbiyada arrintaasi way ka dhacdaa oo anaguba markii aannu shirka qabsannay waxa naga tegay rag ah siyaasiyiin waaweyn oo ku biiray KULMIYE oo imminkaba qaar badan wasiirro yihiin. Qofku inuu xisbiga ku jirana dee jeel maaha oo wuu ka bixi karaa. Markaa haddii ay run noqoto in ay siyaasiyiintaas waaweyn soo baxaan, xisbiga WADDANI waxa uu ka mid yahay meelaha lagu soo dhawayn karo Insha allaah, laakiin anagu waxa aannu u rajaynaynaa in shirkoodu si wanaagsan ugu dhammaado, wax aannu dabada ka riixayno ama wax farogelin ah oo aannu xisbigooda ku haynaa ma jiro.”