Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Boolis Somaliland oo loo soo Xidhay Tababar la Xidhiidha Xafidaadda Hubka

0

Hargeysa (GNN) Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo saraakiil xigeen, ayaa loo soo xidhay tababar la xidhiidha xafidaadda iyo xannaaneynta hubka si loo sugo guud ahaan hubka ciidanka booliska, una yeesho summada ciidanka booliska.

Tababarkaas oo shalay la soo gaba gabeeyay islamarkaana uu soo xidhay taliye ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Daahir Cali Wacays.

Taliye xigeenka oo faahfaahin ka bixiyay faa’iidada tababarkani u leeyahay saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada dhammeystay ayaa yidhi. “Waxaa aynu soo xidhayna tababarkii la xidhiidhay barashada calaamadinta hubka iyo xannaaneyntiisa, waana barnaamij aad iyo aad u muhiima, waanan uga mahad celinayaa hay’addii naga gacan siisay iyo taliyaha ciidanka oo aqblay”

Sarkaal sare oo ka hadlay xidhitaankii tababarka kana warbixiyay muhiimada Qaranka u leedahay xafidaada hubka ciidamadu ayaa yidhi. “Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd in lagu tababaro qalabka lagu calaamadiyo hubka  ama qoryaha, barnaamijkan calaamadinta hubku qiimo weyn ayuu u leeyahay ciidanka Booliska, waayo marka hubka ciidanka boolisku leeyahay la calaamadiyo mid walba lanbarkiisa lagu dhufto hubkii waa ilaashamayaa, meelkasta oo lala tagana waa la soo qabanayaa, waana la xafidi karaa, barnaamij weyn ayay u tahay ciidanka booliska, waxaan taasi aad uga mahad celinaya hay’adda MAG, oo tababarada noocan ah iyo kuwa kale oo la mida hore u qabatay, meel hubka lagu keydiyana dhistay muddana la shaqeynaysay ciidanka booliska, waxaa kale oo aan u mahad celinaya madaxda booliska oo hirgeliyay tababarkani”