Ciiddanka Booliska Somaliland Oo 27-jirsadday Iyo Xaflad Foolladayn Ah Oo Loo Sameeyay.

0

Hargeisa(HNN):-Ciiddanka Booliska Somaliland ayaa u dabaal-degay sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay markii la Aas-aasay ciidanka oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska 27-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciiddanka Booliska Somaliland oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciiddanka Booliska, ayaa ka qaybgalay Muuse Biixi, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Taliyeyaasha Ciiddammada kala duwan ee dalka, Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, Xubno ka mid ah hoggaanka Xisbiga KULMIYE, qaar ka mid ah Madaxda Hay’addaha gacan-saarka la leh Ciiddanka Booliska, Duulliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheerre), iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Xafladda foolladaynta Xuska 27-guurradda ka soo wareegtay aasaaskii Ciiddanka Booliska waxa madasha laga jeeddiyay hadallo salka ku haya aasaaskii Ciiddanka Booliska iyo kaallinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan taabbo-gelinta Amniga dalka iyo Ilaalinta iyo Hantiddda shacabka.
Ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta Ciiddanka Booliska Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan waxa uu shacabka la wadaagay danbiyaddii kala duwannaa ee dalka ka dhacay Sanadkii ugu danbeeyay iyo sida ay Ciiddanka Boolisku ula tacaamulleen.
Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan waxa uu hoosta ka xariiqay inay Ciiddanka Boolisku gacanta ku dhiggeen eeddaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirriyay inay ku lug lahaayeen dambiyaddii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo Kufsigu safka hore kaga jiraan.
Taliyaha Ciiddanka Booliska Somaliland sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa isagunna ku dheerraaday Horumarka balaadhan ee uu ku talaabsadday Ciiddanka Boolisku, haddii ay tahay dhinacyadda tababarka, gaadiidka iyo helitaanka agabyadda kale ee muhiimka u ah shaqadda Ciiddanka Booliska, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay Ciiddan ahaan samaysteen qorshe iyo yool cad oo ay ku gaadhayaan abbaarta u astaysan ee ay higsanayaan muddooyinka soo socda.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay ka hoggaan ahaan muhiimad gaar ah siiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa Wacyiga Ciiddanka ee dhinaca la shaqaynta shacabka iyo isku xidhnaantooda, isla markaana ay aqoonta baadhayaasha iyo midda taliyayaasha Saldhigyadaba dhiseen, dib-u-habayn ballaadhanna sameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen waax gaar u ah cabashooyinka dadweynaha si la isugu soo dhaweeyo shacabka iyo Booliska.
https://youtu.be/Wyj-4Wng2NI