XOG- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada habeenkii Khamiista siyaasiga Cabdirisaaq Ibrahim Mohamed “Attash”

0
Hargeisa(HNN):- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada habeenkii Khamiista siyaasiga Cabdirisaaq Ibrahim Mohamed “Attash” maamulaha shirkada Hass Petroleum ee Somaliland oo ka mid ah Musharxiinta ugu cadcad Gobolka Sool ee u sharaxan Doorashadda Golaha Wakiiladda isla markaana u hanqal taagaya inuu noqodo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.
Madaxwayne Biixi ayaa masuuulkan usoo jeediyay inuu ka tanaasulo musharxanimadiisa madaaba Xukuumadu wadato Wasiir Fartoon inuu noqodo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland waxaanu madaxwaynuhu usoo bandhigay murashax Cabdirisaaq Attaash iyo beesha u ka soo jeedo inuu la ogol yahay wax waliba u ku qancin karo, sida Wasiirka Arrimaha Dibeda ama’ wasaaradaha waaweyn ee darajada ‘A’ iyo jagooyin kaleba.
Attaash wuu ka cudurdaartay jagadaas loo soo bandhigay, kulanka na wuxuu ku soo dhammaaday isagoo aan ku qancin
Cabdirisaaq Ibrahim Mohamed “Attash” waxay isku hayb dhoow yihiin Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.
Hadhwadaagnews.com
Hargeisa Somaliland