Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Oo Sheegay In Dawladnimada Somaliland Oo Taabbo-gashaa Hiil U Noqonayso Soomaalida Muqdisho.

0

Muqdisho(HNN):-Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Soomaaliya ay fahmaan in Dawladnimada Somaliland oo Taabbo-gashaa ay hiil u noqonayso Soomaalida Muqdisho iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo la hadlaya Wefti ka soo qayb-galay xuska Dheelminta Nebiyullaahi Muxamed CSW oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu qabnaa Dawladnimada Somaliland oo taabba gashaa hiil bay u tahay Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, Gurmad baanu u noqonaynaa, Soomaalinimada ayaanu u gurmanaynaa, reer Muqdish ayaanu u gurmanaynaa, dhibka lagu hayo ayaanu ayaanu wax ka xallinaynaa, walaal Ag taagan oo is garabsada, waa in intaasuun ay nala fahmaan Madaxda Soomaaliya joogtaa.

Hadalka Gudoomiye Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle ayaa Imaanaya Xili Magaalada Muqdisho ee xarunta dawlada federaalka somalia,uu ka taagan yahay Muran xoogan oo Dhinaca Siyaasada arrimaha doorashooyinka oo aan ilaa hadda xal waara laga gaadhin.

Muqdisho Somalia