Wareysi: James Swan oo ka hadlay shirka XALANE, ballan-qaadna sameeyey.

0

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya.

Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan ka yiri doorashooyinka Soomaaliya oo weli is mari waa xooggan uu ka taagan yahay.

James Swan oo wareysigaan siiyey VOA Somali ayaa ugu horeyn sheegey in kulanka la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka.

“Inkastoo aan ka niyad jabay doorashada Soomaaliya in aysan ku dhici doonin nidaamkii dastuurku dhigayey ee qof iyo cod, oo laga gaari waayey, hadana muhiim ayey aheyd in heshiis laga gaaro doorashada, sababtoo ah hadda waxaa la joogaa waqtigii shaqa hufan la qaban lahaa, waxaa la joogaa waqtigii la gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, si horay loogu dhaqaaqo fulinta hanaankii lagu heshiiyey,” ayuu yiri James Swan.

Mar wax laga weydiiyey raja xumada dadka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan qabsoomida shir kale oo ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalida waxuu ku jawaabay.

“Hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaalidu waxay u leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ah inay isku yimaadaan oo ay ka wadahadlaan oo ay gaaraan go’aano wadajir ah, waxaan baaqi ku sii ahaan doonaa kalsoonida aan ku qabno in madaxda Soomaalidu wadahadlaan, oo wax ku heshiiyaan, kuna dhaqaaqaan fulinta heshiiskaas,” ayuu yiri James Swan.

Dhankooda waxa uu balan qaaday inay sii wadi doonaan xiriirrada ay la leeyihiin mas’uuliyiin muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo uu ka xusay Madaxweye Farmaajo, R/Wasaare Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan xusayaa inay dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaan sidaan oo kale i idiinla wadaagi doonaa qeybaha kale ee wareysigan oo James Swan uu uga hadlay arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan. Hoos ka dhageyso wareysiga qeybtiisaan.