Somaliland: Ciidamada Asluubta oo bilaabay u Diyaar-garowga 18-ka May.

0

Hargeisa(HNN):-Taliyaha xigeenka ciidanka asluubta Jamhuuriyadda Somaliland gaashaanle sarr, Aadan Axmed Mooye (Kannadi) ayaa maanta kormeer indho indhayn ah ku tagey goobta ay ka socoto  tababarka iyo u diyaargarawga la xidhiidha maalinta Qaran ee 18-ka May 2021 ay ku qaataan ciidanka asluubtu.

Ciidanka asluubta Somaliland ayaa wada u diyaar garow xooggan, oo ku aadan xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2021-ka.

Ciidamada ayaa si maalinle ah u  sameya gaardis iyo gaado ka ciyaar,  iyaga oo ay weheliyaan ciidamada Baanboydu.

Hadda maalintan Qaran ee 18-ka May oo ay ka hadhsan tahay maalmo kooban haddii ILLAAHEY yidhaaho.